.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, January 16, 2012

Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Maxamad Xasan (JIDHIF) Oo Jooga Buuhoodle Oo Ka Waramay Hawl-galkii Ciidanka Qaranku kaga Caydhiyay BUUHOODLE Maleeshiyada Nabad-diidka ah.


*..... Dhagayso/Akhriso*

- Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Gen.Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa caawa ka waramay dhirbaaxo kulul oo ay ciidanka qaranku saaka ku dhufteen maleeshiyo uu soo diray Cali Khaliif Galayr iyo kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Magaalada Buuhoodle. Taliyaha Ciidanka Qaranku waxuu sheegay in kooxda Al-shabaab iyo Maleeshiyo beeleed halkaa joogay oo is-garabsanayay ay beryahanba hub u soo ridi jireen xatumaha uu ciidanku qaranku ku leeyahay Jiida Buuhoodle. Si aanu u hubina cida qalalaaasaha wada ee ciidanka qaranka tuurtuuraysa waxanu go'aansanay inaanu ugu tagno halka ay joogaan.

Waxana sidii caadada u ahayd ay ciidanka qaranka Somaliland dhirbaaxo kulul ku dhufteen kooxdaa nabad diidka ah oo dabadeedna u yaacay dhanka magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay ku dhex-gabanayeen dadwaynaha reer Somaliland ee degan magaaladaasi. Ciidanka Qaranku iyaga oo dhawraya dadkooda reer Buuhoodle waxay ka saareen kooxdan samodiidka ah magaalada, oo firxadkoodii markii danbena galay deegaamada Dharkayn-geeyo iyo Xamar lagu xidh.

“Anigu been sheegi maayo ee ciidanka qaranka wax khasaare ka soo gaadhay dagaalkaa lix Askari oo ku dhaawacmay markii maanta ay magaalada dhex marayeen oo laga soo toogtay guryo ku yaalay magaalada, waxa kale oo aan idiin xaqiijinayaa in kooxahaasi aanu ka gubnay saddex Taangi isla markaana aanu ka qabanay baabuur Tikniko ah”, ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka oo caawa u waramayay idaacada Radio Hargeysa.

Taliyuhu waxuu sheegay in ciidamada Qaranku ay xiligan degan yihiin Xeryihii ciidamadii ee jirir jiray xukuumadii Siyaad Bare iyo kuwii ka horeeyaybaee ku yaala magaalada Buuhoodle. Maxamed Xasan JIdhif waxuu shacbiga deegaanka Buuhoodle ugu baaqay in aanay fidmo iyo dab galinin kooxo uu ku tilmaamay fidmo wadayaasha ku fadhiya degmada Taleex. Waxaanuu intaasi ku daray in xukuumada Somaliland ay soo dhawaynayso inay gogol nabadeed u fidiso waxgaradka beelaha Sool iyo Buuhoodle si ay u dhagaysato waxii tabasho ah ee ay ka tirsanayaan maamulka Somaliland.

Hoosta/dusha ka Dhagayso;
http://www.youtube.com/watch?v=pHxPgiZ-B60&feature=player_embedded#!

No comments: