.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, February 24, 2012

Gen,Maxamad Cali Samatar Oo Ogolaaday Inuu Danbiyo Galay.


- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Janaraal Maxamed Cali Samatar ayaa shalay gelinkii danbe maxkamad dhegeysaneysay eedo mudo sideed sanood ah loo daba taagnaa sheegay in aanu iska difaaci doonin eedaymahaasi. Janaraal Cali Samatar oo 76 jir ah mudo toban sano ka badan iminka ku noola Duleedka magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka ayaa lagu soo dacweeyay inuu danbiyo xasuuq ah ka gaystay Somaliland sanadihii 1980-dii.

Janaraal Cali Samatar ayaa waxa dacweeyay afar ruux oo godobo kala duwan ka tirsanayay xukuumadii uu sarkaalka ugu sareeya ka ahaa ee Kacaanka. Janaraal Cali Samatar ayaa mudo iska difaacayay dacwadaa, isaga oo ku doodayay in uu yahay masuul dawlad shisheeye ka tirsanaa oo aan Mareykanka dacwad lagaga soo oogi karin. Sanadii 2007- dii waxa sababtaa aqbalay maxkamad ku taal Alexsandria, balse maxkamada sare ee Mareykanka ayaa burisay xukunkaa isla markaana ogolaatay dhegeysiga dacwada loo heysto Cali Samatar.

Eedeysanaha ayaa sanado faro badan ku andacoonayay in aan dacwadan lagu qaadi karin dal shisheeye, isku daygiisii u danbeeyayna waxa uu maalinimadii Axada ee ina dhaaftay uu xareeyay waraaqo odhanaya in uu musalafay ama aanu heysan wax hanti ah kiyoo rajeynaya in mar kale dib loo dhigo dhegeysiga maxkamada,balse mar kale Garsooraha ayaa ogolaaday in la dhegeysto dacwada.

Akhirkiina maalinimadii shalay Janaraal Maxamed Cali Samatar waxa uu shaaciyay in aanu iska difaaci doonin eedaymaha lagu soo oogay, isla markaana uu qaadan doono go' aan walba oo lagu rido. Janaraal Cali Samatar ayaase sheegay in tani aanay ka dhigneyn in uu galay wax denbi ah, inkastoo sharciyan uu aqbalayo wixii lagu xukumo. Janaraal Cali Samatar ayaa sheegay in sababo dhaqaale xumo owgood aanu iska difaaci karin dacwadan loo heysto.

Xarunta Cadaalada iyo la xisaabtanka oo fadhigeedu yahay California oo dacwadan dhaqaale ahaan ka caawineysay dhibaneyaasha ayaa sheegatay in xukunkani yahay ka keliya ee dunida looga soo oogay denbiyadii ay masuulka ka ahaayeen xukuumadii Siyaad Bare.

Dhibaneyaashii dacwadan mudada badan daba socday ayaa sheegay dhankooda in ay doonayeen in Cali Samatar iska difaaco dacwada, oo ay bal maqlaan waxa uu isku difaaco. Labo ka mid ah afarta Dhibane ayaa heysata dhalshada Mareykanaka,waxa ay labaduba sheegeen in iyaga iyo qoysaskoodu ay dhibaato isugu jirta ciqaab qalafsan iyo dhimasho kala kulmeen ciidamadii dawladii Siyaad Bare ee Cali Smatar madaxa ka ahaa.

Somalilanders

No comments: