.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, February 22, 2012

London: Banaanbaxii Ugu Balaadhnaa ee Ay Abid Dadka Reer Somaliland Qabsadaan.


- Kumaan kun oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland oo ku nool dalka Ingiriiska, kana kala yimid dhamaan gobolada uu dalka UK ka kooban yahay ayaa maanta ka dhigay banaanbax ka mid ah kuwii ugu waynaa ee abid ay ku qabtaan UK dadka reer Somaliland, meel barxad ah oo kasoo horjeeda xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska ee David Camaron ee ku yaal Down Street London. Banaanbaxaasi oo dadka cadadkaas lahi ay ku muujinayaan shucuurtooda wadanainimo ee Somaliland iyo waliba sida aanay gorgortan u gali Karin qadiyada madax bannaanida dalkooda hooyo. Waxa ay fariin culus u dirayeen shirka beri lagu qaban doono isla magaalada London ee ku saabsan arimaha Soomaaliya ee uu marti galiyay raysal wasaaraha dalka Uk mr David Camaron.

Waxay iyaguna yimid madasha banaabaxu ka dhacayo oo socod ku soo dhexmaray dadka reer Somaliland soona salaamay, wafdigii madaxweynaha Somaliland uu hogaaminayay ee beri shirka London ka dhacaya lagu soo casuumay, halkaasoo gacan qaad iyo sawaxan dadku ku soo dhaweeyeen wafdiga, ka dibna madaxwaynaha waxa loo galbiyay xarunta aqalka raysal-wasaaraha.

No comments: