.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, February 12, 2012

Mowqifka Dalalka Geeska Afrika ka Taagan Yihiin Qaabka Somaliland uga Qaybgalayso Shirka London


- Dalalka ku yaal mandaqadda Geeska Afrika, ayaa soo bandhigay mawqifkooda la xidhiidha shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee dabayaaqada bishan ka dhici doona magaalada London iyo qaabka Jamhuuriyadda Somaliland uga qaybgelayso shirkaas.

Wadammada Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u caddeeyey aragtiyahooda ku saabsan qaabka dawladda Ingiriisku shirka London ugu casuuntay Somaliland oo ah in aanay qayb ka ahayn khariidada nabadda (Roadmap) ee xasilloonida loogu raadinayo dalka colaadaha iyo dhibaatooyinku ragaadiyeen ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka soo laabtay shalay socdaal diblomaasiyadeed oo uu ku soo maray dalalka Itoobiya iyo Kenya, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in waddamada jaarku soo dhaweeyeen ka qaybgalka Somaliland ee shirka London iyo sifaha dawladda Ingiriisku u martiqaaday oo ah in aanay la meeqaam ahayn dhinacyada Soomaaliya ee shirka loo qabanayo.

Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in socdaal diblomaasiyadeed oo wefti Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayey ku soo mareen dhowaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti uu ahaa mid la doonayey in qaddiyadda Somaliland lagaga dhaadhiciyo dalalka jaarka iyo sidii loo ogaan lahaa mowqifka waddamada Geeska Afrika ka qabaan shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 23ka February 2012 ka dhici doona magaalada London, waxaannu xusay in booqasho arrintaas la xidhiidha uu ku tagay magaalada Nairobi, isla markaana kulamo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Mr. Moses Wetangula iyo wasiirka dawladdaas u qaabilsan arrimaha bariga Afrika.

“Ujeeddada socdaalkayagu wuxuu ahaa socdaal diblomaasiyadeed si aannu u ogaano afkaaraha dalalka jaarku ka qabaan shirka London iyo sidii Somaliland qaddiyaddeeda uga dhaadhicin lahayd waddamada dariska ka hor inta aan la tagin shirka London, waxaanan ka mid ahaa weftigii madaxweynuhu hoggaaminayey ee booqashada ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, iyadoo aan aniguna u sii dhaafay dhinaca waddanka Kenya.

Waxaan la kulmay wasiirrada arimaha dibedda waddamada gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, waxaanuna isla eegnay mowqifyada laga qabo shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee bishan ka dhacaya magaalada London oo si gaar ah loogu martiqaaday Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Mar la weydiiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda aragtida dalalka jaarku ka qabaan shirka London iyo waxa ka soo baxay kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta waddamada uu booqashada diblomaasiyadeed ku soo maray, waxa uu ku jawaabay;

“Mowqifka dalalka jaarku ka qabaan shirka London waxa weeye in shirkaasi yahay fursad qaali ah oo wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, aad bayna dalalka jaarku u xiisaynayaan shirka London, waxayna u arkaan tallaabo xagga fiican loo qaaday oo wax lagaga qabanayo murugga siyaasadeed ee hadheeyey Soomaaliya, mustaqbalkana nabad lagaga dhalin karo Soomaaliya, iyagoo dalalka dariska ah arka in lala qaybsanayo dedaalka nabadda loogu raadinayo Soomaaliya oo weliba ay arrintan soo farogelisay dawlad weyn oo dhaqaale iyo imkaaniyaad xooggan u haysa sidii wax looga qaban lahaa mushkiladaha muddada soo taxnaa ee Soomaaliya.

Waxa kaloo socdaalkayaga nooga soo baxay in waddamada jaarku ay soo dhawaynayaan sifaha dawladda Ingiriisku u martiqaaday Somaliland iyo qaabka aynu shirka London uga qaybgalaynaba, waxayna dalalka jaarku u arkaan ka qaybgalka Somaliland ee shirka London siyaasad bisil oo dhinaca fiican u socota, wasiirrada iyo diblomaasiyiinta aannu la kulanayna waxay nagu hambalyeeyeey mowqifka Somaliland ka qaadatay inay ka qaybgasho shirka London, iyagoo u arka in Somaliland wax badan ka gaysan karto dedaalka dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo beesha caalamkuba ugu jiraan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: