- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo'' ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ahi ku jirin inay wadahadal la galaan dawlada Soomaaliya ee haatan ama mid danbe-ba. Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud '' Siilaanyo'' ayaa sidaasi waxa uu ku sheegay waraysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBC-du maalintii shalay ee ay taariikhud ahayd 2/03/2012-ka. Madaxwayne Siilaanyo waxa uu cadeeyay inay ka wada-hadli doonaan madaxda Soomaaliya sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya iyaga oo kala madaxbanaan ay laba dawladood oo walaalo ah oo wax wada-qabsada u noqon lahaayeen. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xusay in dadka reer somaliland ay 1991-kii go'aansadeen inay ka madaxbanaanaadaan dalkii ay la midoobeen 1960-kii.
Waxana uu halkaa carabka ku adkeeyay in mudo haatan ka badan 20-gu' ay Somaliland ay ahayd qaran madaxbanaan. Maadaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamauud Maxamad '' siilaanyo'' waxa uu ku nuux nuuxsaday inaanay Somaliland mar-danbe dib ula midoobayn gobolkii uu Talyaanigu gumaysan jiray ee Somali-taliyaano, waxa kali ah ee haatan furanina ay tahay inay isku ixtiraamaan kala madax-banaanidooda, Jaarnimo wanaagsanna ku wada noolaadaan.
*Hoosta/dusha guji oo DAAWO*
No comments:
Post a Comment