.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, March 18, 2012

Magasiinka National Geography Oo Somaliland Ku Daray Map-ka Aduunyada.

Africa Political Map

- Magaasiinka magaciisa la yidhaa National Geography ee inta badan faaleeya dalalka ku yaal qaaradaha aduunyada iyo isbedelada dabeecadeed ee sida joogtada ah u guurguura ama u dhaca, iyo waliba isbedelada siyaasadeed ee keena inay dalal kala go'aan ama qaybsamaan oo ay qaabkooda bedelaan, qaar cusubina soo mudh-baxaan sida South-Sudan, Somaliland iwm, ayaa map-cusub oo uu dhawaan ku soo daabacay bogga-giisa (National Geography) iyo website-kiisa ku muujiyay, khariidada siyaasadeed ee Afrika (Africa Political Map). Kaasi oo uu dalka Jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland si caaqiibo leh uga dhex-muuqdo, dalalka kale ee bah-waynta xorta ah ee guud ahaan Caalamka gaar ahaan-na qaarada Afrik, siiba Geeska-Afrika.

Waa markii ugu horaysay ee inta aan kolay anigu qof ahaan ka war hayo map-ka Somaliland si dhab ah isaga oo xadkiisii qadiimiga ahaa (ka-hor 26 juun 1960) ku sar-go'an, oo ka soocan wadankii aynu isku darsanay ee Soomaaliya uu ugu soo baxao jariidadan afka dheer leh ee National Geography.

*Hoosta riix oo ka bogo '' The Map Of Somaliland*

No comments: