Haday tahay dhaqankii guunka ahaa ee nolosha miyigeena ama xoolo-dhaqashada ahaa iyo wacaashisii , haday tahay kii ka danbeeyay ee beero-qodoshada ahaa, haday tahay ka kaluumaysga, dhoofista iyo dhul kale u dhalandhoolka iyo haday tahay kan ugu danbeeyay ee magaalo soo galista ah.
Bal hada ninkan reer magaalka ah ee madaniga ah ee gabaygan qaaliga ah ee aadka u mcaan duruuftu ka keentay, ee u tiriyay gabadh waayuhu kala kaxeeyay oo joogta Berbera (Saaxil) eeg, iyo erayada fudud ee uu isticmaalay ee hadana xaada iyo jidhiidhicada kaa kicinya.
Saalaxoow, adaa Soconayoo
qaatay sahadiiye;
Salaama Allah yeelyoow
hadaad Saaxil nabad gaadho;
Sawt-yar oon ku faro iiga gee
Saynab waad heliye;
Saqda dhexe allaylkii hurdada
waan ka salalaa dheh;
Soortana ma cunoo aawadaa
Saa-im baan ahayd dheh;
Sedex goortii aan qado ayaan
subax qureecdaa dheh;
Waxan sararo waynaa beryahan
samay ka dhuubnaa dheh;
Saraawiishii waa iga dhacaan
igu samaynaa dheh;
Hadba aniga oo soconayaan
Sare u qaadaa dheh;
Salaan qudha hadaad soo dirtoo
subax la ii keeno;
Adiga oo sariir ila fadhiya
kama sokayseen dheh;
Sidii aan Santari gaadha ahoon
saami lagu qaybshay;
Sirka gaadhiyadaan kaa dayaa
saan u taagnahay dheh;
Ma samrine sidaad ii ogayd
waan ku sugayaa dheh.
- Dhamaad!
No comments:
Post a Comment