.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, April 19, 2012

Somaliland Oo Shuruud Cusub Ku Xidhay Wada-hadalka Soomaaliya. *Dhegta-maal*


“Haddii aanu madaxweynaha Somalia wax ka bedalayn arrintan Somaliland qaabkaasi kuma gelayso wax wada-hadal ah,”Dr Maxamad

- Wasiirka Arrimaha dibada dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland, Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in xukuumada Somaliland ay ka noqotay wada hadalkii ay la yeelan lahayd dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku eedeeyay madaxweynaha TFG-daa Soomaaliya inuu carqaladeynayo jawigii shirkaasi ku qabsoomi lahaa.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka mid ah Gudidii shanta Wasiir ka koobnaa ee qaban qaabada shirkaasi ee dhawaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay wada hadaladda Somaliland/Somalia, ayaa sheegay inay wada hadalkaasi xukuumadiisu si rasmi ah uga noqotay maanta, ka dib markii uu Madaxweynaha dawladda wakhtigeedu sii dhamaanayo ee Soomaaliya uu Gudidii farsamo ee wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ku soo daray laba xubnood oo ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari.

“Wada hadaladii loogu baaqay inay dhex maraan Somaliland iyo Somalia, waxaa markii hore muuqatay inay labada geesoodba soo dhaweeyeen baaqii ka soo baxay shirweynihii London oo loogu baaqay in Somaliland iyo dawladda TFG-da ama ta bedalaysa oo lagu wado inay dhalato bisha August ee sanadkan, wada-hadal la gasho. Markaa anagoo taasi ka jawaabayna ayaanu samaynay Guddi Wasiir ah.

Sidaas oo kale dawlada TFG-du waxay iyana magacowday Guddi markaa waxaanu bilownay inaanu u diyaar-garowno wada hadalkii, iyadoo arrintu halkaasi marayso ayaa waxa soo baxay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu Gudidii hore ku soo kordhiyay xubno dheeraad ah. Xubnahaasi oo aanu u aragno inay carqaladeynayaan wada hadaladaasi oo carqaladaynaya inay wada hadalo nuxur wanaagsan lihi ay u qabsoomaan labada dhinac,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilahi oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Wasiirka Arrimaha dibadu wuxuu sheegay inay Somaliland jeceshahay inay wada hadaladaasi noqdaan qaar lagu najaxo haddii uu Sh. Shariif ka noqdo xubnahan ka soo jeeda Sool iyo Sanaag bari ee uu ku soo kordhiyay Gudidii wada hadalka Somaliland/Somalia.

“Haddii aanu madaxweynaha Somalia wax ka bedalayn arrintan Somaliland qaabkaasi kuma gelayso wax wada hadal ah,”ayuu yidhi Wasiira Arrimaha dibaddu.

“Madaxweynaha TFG-da wuxuu ku soo wada daray Gudida wada hadalka Xubno cusub oo ka deegaan ahaan iyo dhaqan ahaanba ka soo jeedda Somaliland arrintaasina waxay noogu muuqataa mid lagu carqaladeynayo qabsoomida wada hadalkaasi, wada hadalku wuxuu dhex mari karaa oo qudha labadii geesood ee isku biiray sanadkii 1960-kii,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu

No comments: