.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, May 16, 2012

Maxkamada Milatariga S/Land Oo Dil Iyo Xabsi Daa'in Ku Riday Kooxdii Weerartay Ciidanka Qaranka *Dhegta maal*


- Maxkamada Ciidamada Milatariga ee Hargaysa (Somaliland) ayaa maanta Xukuno kala duwan oo iskugu jira Dil toogasho ah iyo Xabsi daa'in ama madaxaa ha ku furto ku riday 22 qof oo lagu soo qabtay dagaalkii shalay ka dhacay Hargaysa ee u dhaxeeyay Shacab dablay ah iyo ciidamada qaranka Somaliland.  Waxa dil lagu xukumay 17- qof oo ka mid ah kuwa shalay weerarka ku soo qaaday xerada Ciidanka Qaranku ku leeyahay bariga magaalada Hargaysa meesha layidhaa Suudaanta!, 5-qof oo kalena waxa lagu xukumay xabsi daa'in ama madaxaa ha ku furto. Waxa kale oo jira 3-qof oo kale oo ka tirsan kuwa weerarka soo qaaday oo iyagu dhaawac noqday oo weli dawo u socoto.

Weerarkaasi shalay ay koxdaasi qaaday ayaa waxa ku dhinay 7 qof oo iskugu jira askartii milatariga ahayd ee xeradooda lagu weeraray, kuwii wax weeraray qudhooda ee shacabka hubaysan ahaa iyo dad kale oo aan midnaba ahayn oo ay xabadu agagaarka uu dagaalku ka dhacay ku haleeshay. Waxa intaa dheer in ugu yaraan 10 qof oo kale ku dhaawacmeen dagaalkaa aan macno lahayn ee lagu qaaday Ciidamada Milatariga ah ee Xeradooda Joogay. Waraysi ku saabsan arintan oo ay Somali-voa la yeelatay gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Somaliland hoosta/dusha-guji oo ka dhagayso.

*Dhegta Maal*

No comments: