.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, July 26, 2012

Sarkaal Ciidanka Qaranka Somaliland Ka Tirsan Oo Ka Soo Qalin-jabiyay Kulliyad Ku Taal Dalka UK


- Major Cawil Ibraahim Aadan (Galbeedi) oo ka tirsan ciidamadda qarranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qallin-jabiyey kuuliyadda tababarka ciidamadda ee dalka ingiriiska waxaana uu Major Galbeedi ka mid ahaa saraakiil ka socotay ciidamadda ugu yaraan toban dawladood oo dunida dacaladeeda iskaga kala timid kuwaasi oo tababaro kala duwan ku qaadanaayey kulliyadda tababarka ee dalka ingiriiska.

Sarkaalkani Galbeedi oo noqday sarkaalkii ugu horeeyey ee ciidamadda qarranka Somaliland ka tirsan ee tan iyo intii Somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya tababar heerkaasi ah gaadha ayaa dalalka uu tababarkani la qaatay waxaa ka mid ahaa Britain, Pakistan, Saudi Arabia , Nigeria, Oman ,Somaliland ,South Sudan, Ukraine, India, Jamaica, South Korea iyo dalal kale.

Tababarkani uu qaatay Major Col. Cawil Galbeedi ayaa iskugu jiray qaybo kala duwan sida qaabka hubka, dagaal gelinta, tababarista ciidamadda, hagista iyo furdaaminta taktikadda ciidamadda iyo weliba qaybo kala duwan, waxaana bixinaayey casharadaasi waaxda tababaradda ciidamadda ee dalka ingiriiska.

Major Col. Galbeedi oo la hadlayey Halbeegnews ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ka qallin jabiyo kulliyadani oo uu ku soo jiray muddo door ah, wuxuuna sheegay inuu ku laaban doono Somaliland isla markaana uu qayb weyn ka gaysan doono sidii ciidamadda qarranka Somaliland horumar dhinac walba leh u gaadhi lahaayeen, dawladda ingiriiska ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonto tababaradda dhinaca ciidamadda qarranka Somaliland ay siiso.

Xigasho: Halbeegnews

No comments: