.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, July 13, 2012

Shirkada Macdanta Baadha ee ''Nubian Gold Corporation'' Oo Xarun Ka Furatay Somaliland ,


''Macdano kala duwan ayaanu ka helnay degaanka Bulaxaar ee Somaliland, waxana aanu macdantaasi u qaadnay dalka CANADA, si baadhis loogu soo sameeyo''. Nubian Gold Corporation

- Shirkada Nubian Gold Corporation oo ah shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka Canada oo ka shaqaysa soo saarista macdanta ayaa munaasabad balaadhan oo ay ku qabatay Hargeisa shahaadooyin ku guddoonsiisay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, wasiiro iyo qaar ka mid ah shaqaalaheeda. Munaasabadan oo ka dhacday hotel Crown ee Magaalada Hargeysa, waxaa kasoo qayb galay, gudoomiye ku xigeenka shirkada Md. Maxamed Omar Ismaaciil, Engineer Mathu Mazieres oo ka socday shirkad fararsiis ah oo magaceedu yahay Arethuse Geology ahna ingireerka Geologist -ga ah ee horkacayay mashruuca sahminta macdanta, agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo biyaha, cuqaal, waxgarad, shaqaalahii shirkada iyo marti sharaf kale.

Shaqaalaha la gudoonsiiyay shahaadoonyinka waxay iskugu jireen, geologistiyo iyo sahamiyayaal. Waxaanay dhamaantood ka hawl-galaan Aagaga ay shirkadu ka samaysay sahaminta macdanta. Inkastoo ay ka maqnaayeen madasha, waxaa madasha lagu soo bandhigay shahaado sharafyo loogu maamuusayo doorka laxaadka leh ee ay ka ciyaareen sidii ay shirkadani xarun uga furan lahayd Somaliland. Shahaado sharafyada waxa kale oo lagu maamusay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka wasaarada Macdanta iyo Biyaha iyo taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha.

Maxamed Cismaan Ismaaciil oo ka hadlay madasha ayaa sheegey in shirkadani tahay shirkadii ugu horeysay ee heer caalami ah ee wadanka ka bilawda hawlahan macdan baadhista oo kale. Waxaanu sheegey in ay door laxaad leh ka ciyaari doonto sidii loo yareyn lahaa shaqo la’aanta “Hawshaanu galnay ILAAHAY wuu nagu guuleeyey oo waxa noo suuro gashay in aanu muddo laba bilood ah oo baadhitaan ah in aanu Sample-kii ugu horeeyay u dhoofino Kanada si loosoo baadho, waxaananu sugaynaa natiijadii”ayuu yidhi.

Shiradan Nubian Gold Corporation waa shirkadii ugu horeyasay ee ajaanib ah ee si toos ah uga bilawda dalka baadhitaanka macdanta, waxayna sanadkii ina dhaafay ka bilaabeen baadhitaanka macdanta aaga xeebaha khaasatan Bulixaar

Xigasho: Waaheen

No comments: