.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, July 30, 2012

Wasiirkii Hore Ee Diinta Iyo Awqaafta Oo Ka Digay Khatarta Ka Soo Socota Ururka Al-Islaax


“Ama Islaax Ha La Baxaan Ama Amabssador Ha Ku Shiraane Waxay Ku Dhisan Yihiin Midabayn, Shacabka Reer Somaliland Madhabtoodu Waa Shaaficiya, Ninkuu Dhuumanayow Ee Dhabarku Muuqdow Waa Lagugu Dhaw-Yahay” Sheekh Aayatule

- Wasiirkii hore Diinta iyo awqaafta Somaliland ee Xukuumaddii Marxuum Cigaal Sheekh Axmed Muxumed Axmed (Aayatule) ayaa sheegay in Ururka xagjirka ah ee Al-Islaax ee Isniintii Todobadkii hore lagaga dhawaaqay Hotel Ambassador ee Magaaladda Hargeysa uu yahay Ururadda Diinta ku soo gabada ee Xaaladaha qalalaase ka rida Dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan-ba caalamka, timaamayna in khilaaf Diimeed oo dalka xiligan laga abuuraa uu keeni karo xaalad qalalaase iyo amnidaro, isla markaana Shacabiga reer Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaadaan Ururada Xag-jirka ah ee ku soo gabanaya magaca Diinta.

Sheekh Aayatule waxa uu sidaas ku sheegay Xog-waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Haatuf xalay ku siiyey khadka Telefoonka isaga oo ku sugan Magaaladda Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale ku sheegay in Xukuumadda Somaliland ay talaabo ka qaado kooxaha Diinta ku soo gabanaya ee Mabaa’diida Xag-jirnimada aaminsan, cadeeyayna in Shacabiga reer Somaliland Mad-habtoodu tahay Shaaficiya, Caqiidadooduna tahay Ehlu-suna waljamaac.

Sheekh Aayatule oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Kuwa ku shiray Hotel Ambassador ama ha la baxaan Al-Islaax ama magaca ay doonaan ha la baxaane, waxay ku dhisan yihiin midabayn iyo magacyayn, Ururadaa doobinaya ee Diinta ku soo gabanaya ee Magacyada kala gaarka ah la baxaya waa kuwii Nabigu (SCW) sheegay waana Al-Fariiqiyati Najbiyatu, waana Wahaabiyiin Caqiiqdadooduna waa tii Khawaarijta Shacabiga reer Somaliland-na Mad’habtoodu waa Shaaficiya Caqiiqdadoodu-na waa Ehlu Suna Waljamaaca, waxaan leeyahay Ninkii dhuumanaya ee Dhabarku muuqdow Indho waanu qabnaa, goor lagugu dhaga-ba waa lagugu dhaw yahay.

Shacabiga reer Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan Kooxaha Magaca Diinta ku soo gabanaya ee doonaya in Dalka qala-laase iyo Amaan daro ay ka abuuraan, kuwaa oo haddaan si dhakhso ah la iskaga qaban ina geyey siin kara Xaalad qalalaase oo aan laga soo waaqsan karin, Xukuumadda Somaliland-na hadday ka madaxbanaan tahay waa inay cadayso Mawqifka ay ka taagan tahay kooxaha dalka Shirarka ku qabsanaya ee Shaadhka Diinta ku raad-gadanaya”

Xigasho: Haatuf

No comments: