.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, August 28, 2012

Waxaan Reer Laascaanood Kula Talinayaa In-ay Midoobaan Oo Caruurtooda Iskuulada U Diraan



''Runtii meel loo shaqeeyo waxa ugu wanaagsan waxbarashada oo muhiim ah, balse.'' Faarax

- Isuduwihii wasaarada waxbarashada gobolka Sool Faarax Axmed Cabdi ayaa sheegay inuu xilkii iska casilay, isaga oo ku sababeeyay iscasilaadiisa mid uu ku doonayo inuu u madaxbanaanaado hawlo kale oo uu qabsado, waxaanu tilmaamay inaan cid ku kaliftay iscasilaadiisa iyo masuuliyiinta waxbarashada kaga imanin wax dhib ahi, balse uu isagu go’aansaday inuu xilkaasi baneeyo. Waxaanu intaa ku daray in meel loo shaqeeyo oo waxbarashada ka muhiimsani jirin, isla markaana muddadii uu hawshaasi hayay ku farxsan yahay inuu goob hawlbawle ah u ah bulshada iyo dalkaba ka hawlgalayay, waxaanu sheegay in xilkaasi uu ku wareejiyay Maxamed Maxamuud Cumar (Bisinle) oo ah masuul xilkaasi u qalma waxbarashada gobolka Sool.

Mr Faarax Axmed Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay ka hadlay xarunta Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa isaga oo ay wehelinayeen masuulka cusub ee Isuduwaha waxbarashada gobolkaasi noqonaya iyo xubno kale oo ka soo jeeda deegaankaasi. Faarax Axmed Cabdi waxa kale oo uu baaq u jeediyay bulshada ku dhaqan deegaanadaasi, isla markaana waxa uu u soo jeediyay inay midoobaan oo ka qaybqaataan horumarka gobolkooda, isaga oo ugu baaqay inay dhexdooda midoobaan, caruurtoodana u diraan Iskuulada, si ubadku waxbarasho u helaan, isla markaana aanu wakhigu uga khasaarin.

Isaga oo arrimahaasi ka hadalayana waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Horta xilka gudoomiyenimo ee waxbarashada gobolka Sool aan ka hayay aniga ayaa maanta si rasmiya iskaga casilay, waana g’aan aniga iga soo baxay, runtii meel loo shaqeeyo waxa ugu wanaagsan waxbarashada oo muhiim ah, balse waxaan gartay inaan xilkaasi ka tago, sababtoo ah waxaan doonayaa inaan u madaxbananaado hawlo kale oo aan doonayo inaan qabsado, inkasta oo aan balanqaadyo shaqooyin kale sugayo, waax dhibaato ah oo jirtaana ma jiraan oo igi kalifay haday tahay masuuliyiinta waxbarashada, runtii aad baan u amaanayaa wada shaqaynta naga dhaxaysay muddadii aan xilkaasi hayay, markaa waxaan leeyahay reer Laascaanood arrintaydu waa sidaasi aniga ayaa isku gartay inaan xilkaasi baneeyo wax dhib ah oo igu kaliftayna ma jirto aan ahayn inaan dano kale qabso.

Waxaan ugu baaqayaa reer Laascaanood inay caruurtooda iskuulada u diraan, waayo caruur loo diray iskuuladii oo dhexda Video ku daawanaya oo aan waalidiintii ka warhayn waa dhibaato, waxbarashadu waa muhiim, waa horumarka gobolka iyo guud ahaanba dalka, waxa kale oo aan ugu baaqayaa inaad ka fogaataan dhibaatooyinka, colaadaha, maaha inaad marna bari iyo Garoowe marna galbeed u carartaan, waxaad ka mid tihiin Somaliland.

Sidaa darteed wax qabsada si gobolku horumar u gaadho, waxaan aad idiinku adkaynayaa wixii wanaag ah ka shaqaysaan” Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay masulka cusub ee gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cumar (Bisinle) oo sheegay in gudoomiyaha hore ahaa masuul waxqabad leh dhinaca waxbarashada muddadii uu xilka hayay, waxaanu tilmaamay in xilkaasi uu la wareegayaa yahay masuuliyad waxbarasho oo dadka iyo dalkaba faa’iido weyni ugu jirto, isaga oo xusay inuu horena uga soo shaqaynayay gobolka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo diiwaangalintii codbixiyayaasha, isla markaana uu aaminsan yahay muwaadin Somaliland-nimada aaminsan.

Xigasho: Haatuf

No comments: