.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, September 18, 2012

Beesha Harti Somaliland Ayaa U Wanaagsan: Md Axmed M. Aadan(Qaybe)


- Madaxweynaha Somaliya loo doortay dhawaanmudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu la wareegay xilka jeediyay khudbad taasoo ay ka mid ahaayeen hadalo ku saabsan wada-hadalka Somaliland iyo Somalia. Waxa uu madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya sheegay inaanu aaminsanayn in Somaliland iyo Somaliya dib la isugu celiyo qori caaradii. Hadaba gudoomiyahii hore ee golaha wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Aadan Qaybe) oo dhawaan faalo kooban ka bixiyay hadalada ka soo yeedhay madaxwaynaha cusub ee dalka Somalia ayaa sheegay in qaabka uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u dhigay ka-hadalka qadiyadda ka dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya ay tahay hadal diblomaasiyadeed, waxana uu mudane Qaybe yidhi;

“Madaxweynaha Somaliya loo doortay Xasan Sh. Maxamuud, wuxuu ku hadlay hadal Diblomaasiyadeed. Waa runtii oo Somaliland iyo Somaliya qori caaradii laguma midayn karo. Laakiin wuxuu ogyahay oo dugsanayaa inaanay Somaliland midaysnayn oo Harti ka maqanyahay, iyagoo ay u ficantahay inay Somaliland ka mid ahaadaan, waayo hore ayaa loo yidhi ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. Markaa waxan kula talin lahaa beesha Harti oo aan odhan lahaa Somaliland meel idiin dhaantaa ma jirto ee walaaladiina reer Somaliland wax la wadaaga''.

Posted by Ismaaciil Ibrahim
[Hargaysa/Somaliland]

No comments: