.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, September 27, 2012

Khuburo Caalami Ah Oo Baadhaysa Xasuuqii Ka Dhacay Somaliland 1980-dii

 
-  Khuburo Caalami ah oo ku takhasusay sida loo baadho xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo dadka sida wada jirka ah meel loogu wada laayo, ayaa Magaaladda Hargeysa ka bilaabay baadhitaan ay ku samaynayaan Xabaalo Wadareedyo ay ku jiraan maydadka dad reer Somaliland ah oo dawladii Kali-taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre sida arxan darada ah u laayeen sanadihii siddeetamaadkii.

Xabaal-wadareedyadan Khuburadu baadhitaanka ku samaynayaan oo ku yaala meesha loo yaqaano Badhka ee dacalka Koonfur Galbeed ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa la sheegay inay ku jiraan maydadka ku dhawaad lixdan qof oo badhba meel si gaar ah loogu aasay, iyadda oo ay dadkaasi ilaa hadda ay ku xidh-xidhan yihiin xadhkihii lagu xidhay markii la dilayey.

Khuburadan ajaanibka ah oo ka socda Hay’adda EPAF ayaa waxa hogaaminaya Jos Pablo, waxayna xukuumadda Somaliland heshiis kula galeen inay muddo shan sanadood ah baadhitaan ku sameeyaan xasuuqii Somaliland uu ka gaystay taliskii Siyaad Barre, iyagga oo baadhitaano ku samayn doona guud ahaan xabaal wadareedyada ay ku aasan yihiin muwaadiniinta sida xaqdarada ah loo laayay.

 Khuburadan oo ay weheliyaan Wariyayaal Caalami ah isla-markaana uu dawlada Somaliland ku soo xidhay Cabdicasiis Maxamed Diiriye oo ka mid ah muwaadiniintii dacwada ku soo oogay gacan ku dhiigle Samater oo dhawaan Maxkamad Maraykan ahi xukun ku riday, ayaa maanta la geeyay goobta loo yaqaano badhka iyadda oo la dulgeeyay, xabaalo-wareedyada halkaasi ku yaala.
 
Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xabaal-wareedyada Badhka ay ku yaalaan laba goobood oo ay ku kala jiraan maydadka 41 qof oo shacab ah, goobta kalena ay ku jiraan 12, isaga oo xusay in baadhitaan dheer lagu samayn doono, si ehelkooda loo helo, isaga oo xusay in qof walba hadhow xabaal gaar ah loo samayn doono, iyadda oo la marin doono jidkii Islaamka oo lagu tukan doono isla-markaana ma marin doono waajibaadka qofka dhintaa ku leeyahay dadka adduunka kaga dambeeya.

Guddida dabo-galka xasuuqa Somaliland ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay tiradda xabaal-wadareedyada ay diwaangaliyeen, kuwaasi oo ku kala yaala Magaalooyinka kala duwan ee Somaliland, waxayna sheegeen inay heleen.

1. Hargeysa waxay ka heleen 200 oo xabaal-wadareed.     
2. Berbera waxay ka heleen 12 Xabaal-wadareed
3. Burco waxay ka heleen 8 xabaal-wadareed.
4. Sheekh waxay ka heleen 1 xabaal wadareed.
5. Ceerigaabo waxay ka heleen 2 xabaal wadareed.
6. Arabsiyo waxay ka heleen 1 xabaal-wadareed
 
Waxayna guddidu sheegtay in guud ahaan xabaalahaasi oo ay diwaangaliyeen mid walba ay ku jiraan ugu yaraan maydka 12 qof oo ahaa dad shacab ah oo magaalooyinka laga soo ururiyey isla-markaana si arxan daro ah loo laayey.
Ramaas

No comments: