.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, September 16, 2012

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Xarun Agoonta Loo Dhisayo Oo $3 Milyan...


- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc balaadhan oo lagu dhisayo xarun lagu daryeelayo Caruurta agoomaha ee Somaliland, taasoo laga hirgelinayo bariga caasimadda Hargaysa. Xafladii dhagax-dhiga waxa kale oo ka soo qayb galay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali xaaji xasan, Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, taliyayaasha Ciidamada Qaranka ee kala duwan, , Duqa Caasimadda iyo mas’uuliyiin kale. Waxa kale oo xafladaasi goob joog ka ahaa wefti ka socday dalka Kuweyt.

Dhismaha xaruntan cusub ee agoomaha oo loogu tallo galay inay qaaddo oo lagu xanaaneeyo ugu yaraan 750 caruurta agoomaha ah ayna ku baxayso adduun lagu qadaray sadex Milyan oo Doolar oo ay bixinayso Hay’adda gargaarka iyo tabarucaadka ee dalka Kuweyt, waxa dhismahani ka koobnaan doontaa qaybo ay ka mid yahiin qayb Hurdo, mid waxbarasho iyo Cisbitaal qaybahiisii wada leh. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadaasi ayaa uga mahad-naqay dalka Kuweyt kaalmadan ay ku taageerayso Somaliland gaar ahaan caruurta agoomaha oo xaruntani muhiim u tahay sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalkooda.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxuu sheegay in mashruucani sidoo kale fursado shaqo u abuuri doono da’yarta reer Somaliland ee wax baratay. Wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Maaliyadda oo ka hadlay xafladaasi ayaa uga mahad-celiyey hay’adda reer Kuwayt ee mashruuan fulinaysa iyagoo dhanka kalena bulshada u jeediyey inay doorkooda ka qaataan sidii mashruucaasi u noqon lahaa mid guulaysta isla markaana ay ka faa’iidaystaan caruurta agoomaha ee reer somaliland.

Dr khalid Al Mashaa’i oo ka mid ahaa weftigii reer Kuweyt ee ka soo qayb galay munaasabadda dhagaxdhiga ayaa sheegay in mashruucani qayb ka yahay mashaariic kala duwan oo ay dawladda kuweyt maalgelinayso kuwaasoo lagu taageerayo Dawlada Somaliland. Mashruucan balaadhan ayaa qayb ka ah barnaamijyada ay Xukuumadda Somaliland ugu tallo gashay hagaajinta xaaladda dadka danyarta ah ee reer Somaliland taasoo qayb ka ahayd balanqaadadii iyo barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye.

Xigasho: Somaliland.Org

No comments: