.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, September 20, 2012

Siyaasada Somaliland Ee Khusaysa Passportka Somalia


- Waxan halkan idinkula wadaagayaa siyaasada iyo go’aanka dawlada Somaliland ay ka gaadhay Passportka TFG’da Somaliya iyo waxa laga yeelayo qofka sita ee imanaya Somaliland iyo passportka ay qaadanayaan ee loo ogol yahay dadka tegaya Xajka ee reer Somaliland. Arrinka xajka sida lagu tegayaa waa arrin xasaasiya oo u baahnaa xal degdeg ah. Taasoo ay dawlada Somaliland kala xidhiidhay Dawlada Sucuudiga sidii jawaab degdeg ah loogu heli lahaa.

Dawalada Somaliland ee Madaxwayne Ahmed Silanyo waxay go’aan satay sidii dawladihii hore ee Somaliland; in Passportkii hore ee Somaliya ee jiray wixii ka horeeyay 1991-kii lagu tagi karo Xajka sannadkan 2012. Saudi Arabiana taa hore ayay u ogolayd oo dadka reer Somaliland xajka ugu tegi jireen.

Dhowaan [sannadka 2012 horaantiisii] ayaa dawlada Sucuudigu soo saartay amar odhanaya Somalida oo dhami waa inay soo qaadataa passportka TFG’da soo saartay marka ay xajka imanayaan.

Dawlada Somaliland ee Madaxwayne Ahmed Silanyo go’aanka dawlada Sucuudiga way ka soo horjeedsatay. Oo waxa ay xidhiidh kala samaysay dawlada Sucuudiga. Jawaabtii waxa laga soo diray warqad Safaaradda Sucuudigu ee Djibouti ay soo qortay oo ay dawlada Somaliland ugu sheegtay in ay dawladda Sucuudigu ogolaatay in Xujaajta reer Somaliland ay ku soo xaji karaan passport-kii green-ka ahaa ee ay awalba hore ugu soo xaji jireen. Shirkadda Daallo ayaa dadka xijaajta ah passport-kii green-ka ahaa u soo fiisaysa.

Dawlada Somaliland waxay go’aan satay in passport-ka TFG-da ee cusub loola dhaqmo sida passport ajanebi ah, visa-na la waydiiyo qofka sita, taas oo aan hore u jirin, lana ogyahay saamaynta uu ku yeelan karo dadka reer Somaliland ee ku nool khaliijka ee lagu qasbay inay qaataan, passport-kaas TFG-da, waxaana la weydiin doonaa Visa, laakiin waxaa hadda la wadaa sidii dadkaas reer Somaliland ee carabta jooga qiil loogu heli lahaa.

Dawlada Somaliland waxay go’aan satay in aan marnaba la ogolayn bixinta ama iibinta passport-ka TFG-da wadanka Somaliland dhexdiisa tallaabo adagna laga qaado cidii lagu helo arrintaa oo lagu gelayo jeelka.

Dawlada Somaliland waxay go’aan satay in waxyaabaha inaga hortaagan guud ahaan inaynu passportkeena ka iibgeyno wadama carabta ay tahay in la inooga baahan yahay inaynu ka dhigno electronic passport (e-passport), kaas oo ka safe-san kan aynu hadda haysano oo la soo daabacay Xilligii madaxweyne Cigaal Alle ha naxariisto e; hawshaasna dawladu way ku guda jirtaa dhawaanna waa la soo gabogabaynayaa – haddii illaahay saamaxo.

Dawlada Somaliland waxay go’aan satay oo amar ku bixisay in aan Mas’uuliyiinta dawladdu aanay sinaba ku qaadan karin passport-kaas Somaliya (greenka ah) iyo ka TFG-da labadaba ama Xaj ha tegayo ama safar kale ha u baxayaba.

Wixii su’aal ah ee aad hayso ee arrinkan khuseeya kala xidhiidh, rashidnur@somaliland.us

''Illaah baa mahad leh''.

Rashiid Nuur,
[Wakiilka Somaliland ee USA].

No comments: