.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, September 24, 2012

Xoghayihii UDUB oo Duray Guddoomiyaha Kulmiye Sheegayna Qofka U ....

 
- Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa ka gilgishay hadal duur xul ah oo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi u jeediyay xisbiga UDUB, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in UDUB dhintay markii uu geeriyooday Maxamed Ismaaciil Bullaale oo uu isagu bedalay.
 
Qoraal uu xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ka soo diray Magaaladda Lyon ee dalka Faransiiska oo deggan yahay, ayaa waxa uu eedaymo faro badan ugu jeediyay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay inuu isku diro dadka gobolada dalka, isaga oo tusaale u soo qaatay hadal Muuse Biixi si kaftan ah ugu tuuray reer Sanaag.
 
Qoraalka Jaamac Yaasiin Faarax soo saaray oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan “Muuse Biixi labaatan (20) sannadood ku- dhowaad ayuu dhex durdurinaayey siyaasadda Somaliland. Markaadse u fiirsadid, jiidh-jiidhka, isku-dhufashada iyo been ku noolashaha uu ku dhaqmaayo, waxa kusoo baxaaya inuu weli yahay qaalin layliya oo qalqaali ah.
 
Kornaylku markii hore beelaha ayuu isku-dhufan jiray. Haddeer, darajo hal xidig ah ayaa u korodhayo, wuxu gaadhay inuu isku dhufto gobolada dalka JSL, sidii uu falay maalintii dhawayd ee uu ka hadlay xalaadka SANAAG iyo AWDAL.
 
Waxa jirta maahmaah somali ah oo odhanaysa: WAXA UURKA KA XADANTAYNAAYA AYAA CARABKU KA XADAA. Kornaylka wax ku abuuran, ayuunba kasoo burqanaaya. Waxa mararka qaarkood ka siibta kalmado mafaariishta qaadka lagu isticmaalo oo marduuf ah, laakiinse , maxfalada guud ee bulshaweynta aanu la golo iman, ninka siyaasiga ahi, iskana ilaaliyo.
 
Hadda, waxaabu noqday shaqsi ay runta coloobeen oo nafta ku maaweelinaaya warar xaqiiqada ka fog. Matalan, Isbuucii aynu soo dhaafnay, ayuu Muuse Biixi ku tiraabay in xisbiga Udub dhintay markii u geeriyooday Marxuum Moxamed Ismaaciil Bulaale, Eebe Janadii Farduus haka waraabiye.
 
Wuxuu ka dhawaajiyey ereyadaas, isagoo jooga maxfal uu xisbiga Kulmiye kusoo dhawaynaayey koox dhalinyaro ah oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Marxuum Mohamed Ismaaciil, magaciisuna yahay Guuleed Moxamed Ismaaciil.
 
Xodxodashada caynkaas oo kale ah, waa lagala xishooda munaasibadaha qaarkood, siiba markaad sheeganayso Gudoomiye xisbul-xaakim, adigoo weliba doonaaya in aad tartan u gashid hogaanka sare ee JSL.
 
Marxuum Moxamed Ismaaciil wuxuu ahaa halyey siyaasadeed iyo waliba abwaan qiima leh. Waxaase markiiba xilkiisii qaaliga ahaa, la wareegay Mudane Jaamac Yaasiin Faarax oo ay saaxiib ahaayeen, talo wadaagina ka dhaxaysay, oo ay wada dhasheen.
 
Reer somaliland intooda runta taqaanaa waxay ka marag kacayaan in mas’uulidda Xoghayaha Guud ee xisbigu Udub anay wax baylahi ka dhicin, haba yaraatee.Waran kulaylka Mudane Jaamac Yaasiin, waqtigii doorashada madaxtooyada, waxay noqotay mid u dhiganta farsamadii lagu yaqaanay Marxuum Bulaale oo caafimaad qaba.
 
Waakii xisbiga Kulmiye anfariirka qaaday ee ay ku kaliftay inay adeedsadaan Tola’ayey, kiraystaana Serviceska khusuusiga ah ee qooraaga dacaayadda: Mr. GEEL-JIRE.
 
Waakii ninkaasi ii bixiyey naanaysta JUG-SOO-DHACAY, markii taaha Kulmiye dami waayey. Usbuuc walba, maqaalad cay ah, miyaanu duxan jirin, lana daba joogii jirin Xoghayaha Guud iyo xisbiga Udub? Miyaanu ku mutaystay, shaqadii awr-kiraale, promotion wasiirnimo?.
 
Waxay taasi ka marag kacaysaa in Mr. GEEL-JIRE kar weyn ka riday xisbiga Kulmiye, dabadeedna la abaal mariyey. Ilaa hadda, daba ka-welwel buu xisbiga Kulmiye qabaa inaan waran kaygi lasoo noqdo, doorashooyinka soo socda. Waata jootaysay inaan la badelin Wasiir GEEL-JIRE, intii isku-shaandheyta xukuumaddu dhacaysay.
 
Wadka haddii laga soo waaro, waan la gole imanayaa waran kaygii kululaa, ee Kulmiyow ogow.
Waxaanse Muuse Biixi odhan lahaa: Sidi-sididaada mooye, dhul dhacaaga hubso.
Waxaad qabtaa, Kornayl Muusow, in kuusha qoorta lagu sudhay ku gaadhsinayso kursiga Madaxtooyada.
 
War-laawe, saxiibka Moxamed Kaahin oo faraqa loogu guntay FAAL-DAAHIR, wax kaluu aminsanyahay. Middaas oo ah in beeshiisu xilka kusoo noqonayso 2015-ka. Waxa markaas muuqata in Muuse iyo Moxamed ay xogta-sirta kala qarsadaan.
 
Balse, aynu dhawrno halka ay ku biyo shubtaan : jiidh-jiidhka, isku-dhufashada iyo khiyaal ku noolashaha Muuse Biixi Abdi”
 
Xigasho: Waaheen

No comments: