.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, October 26, 2012

Boobe Yuusuf Ducaale Waxa Uu Galo Nin-kii Garanayaa Garan!

 
- Cid kasta oo danaynaysa ama inuun u lexe-jecla qabta qaranka Somaliland iyo horumarkiisa waxa ay u ahayd maalin aan la iloobi karin oo farxadeed, markii Md. Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu u magacaabay muj, Boobe Yuusuf Ducaale inuu noqdo wasiirka wasaarada war-faafinta ee JSL!
 
Sababtu, wax kale ma ahayn ee waxa uu dadku xog-ogaal dhaw u ahaa laba arimood oo aad iskugu baahnaa, isna la'aa intii ay jirtay Somaliland oo u muuqday, aakhirataankii inay haatan isku yimaadeen oo ay is-heleen! Lbadaasi arimood oo kala ahaa;
 
1; Wasaarada warfaafinta, oo baahi daran u qabtay cid labadeeda lugood ee dhiiqada/dhiidhida galay ee ay ka nuuxsan wayday uga miciina oo aayar, kolba mid ka saara oo tabteeda iyo tayodeedaba leh!
 
2; Iyo xirfada, dal-jacaylka, daacadnimada, hawl-karnimada, aqoonta iyo waayo aragnimada karkaarada iyo gabiyadaba jabsatay ee uu Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale soo kasbaday intii uu dul-joogay ifkan.
 
Sidaas darteed, waxa maskaxda qof kasta ku sawirantay wasaaradii war-faafinta ee ay dhinaceeda dhaxantu inaga haysay MUDODA DHEER haatan ayay heshay ninkii hayaanka raacin lahaa! Nasiib daro, yuhuuntaasi iyo rajadaasi midho dhal may noqon, oo intaanay wasiir Boobe iyo wasaarada warfaafintu isba-qaabilin ayaa calaf-ku kala geeyay! Oo waliba, si wanaagsanna uma ay kala noqon ee si aan qurux badnayn oo naxli badani ku jiro ayaa ay ku kala tageen. Waa Cawo daro inteeda le'eg.
 
Run marka laga hadlo hadaba, eryistii degdega badan iyo faciiltanka fudaydku weheliyo xambaarsanayd ee wasiir Boobe Yuusuf Ducaale lagu rukhseeyay dadka waxa ay ku noqotay, filan-waa iyo niyad jab quus u eeg. Yaabka yaabkiise Laba is-qaban la' waxa ah, hankii loo qabay xukuumada madaxwayne Siilaanyo iyo midh-siibka wasiirada tayada leh ay ku hayso ee ay dawladu caadaysatay!
 
Haatan iyo dan, waxba hadal badani qaban maayo-e, bulshadu waxa ay aad ugu diirsatay oo dado-tir iyo shashafoba uga noqday dhaawacii xukuumada dhinaceeda ka soo gaadhay ee dhacdadan ku saabsanaa, qoraalka taxanaha ah ee muj, Wasiir Boobe uu u hurayo inuu dadkiisa inta hufan la wadaago, waxana aan uga fadhinaa muj, Boobe ku sii negaanshaha maalin-qorkiisa anaga oo danaynayna in aanu sheekada ilaa dabayaaqada laasano!
 
Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto!
 
Cali Cumar Xasan

No comments: