.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, October 29, 2012

“Civil Aviation-Ka Cid Aqoonteeda Lehi Ma Joogto Wasaaradda Duulista Kamana Talin Karaan..

 
- Abiib Xadi Jaamac oo ah Khabiir aqoon durugsan u leh Qawaaniinta iyo Shuruucda Caalamiga ah ee lagu maamulo hawadda iyo Madaaradda dunida, isla markaana mudo ku dhaw 40 sano ka shaqaynayey arimahaas ayaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kula taliyey in talooyin laga waydiiyo Muwaadiniinta Cilmigaas bartey ee aqoonta u leh oo uu ka mid yahay. Khabiirkan ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay Xarunta Wargeyska Haatuf Waraysi khaas ah ku siiyey, kaas oo ku soo bandhigay inuu Civil Aviation-ka mudadii laga bilaabay gayiga Soomaalida ilaa imika uu ku shaqeeyo, kaas oo tilmaamay inaanay suurta gal ka noqonkarin dalka Somaliland in Hay’addaasi ay noqdaan Hay’add ka Madaxbanaan Dawladda.
 
Abiib Xadi Jaamac ayaa waxa uu ka dhawaajiyey inuu Madaarka Hargeysa ku arkay nin Kenyati ah oo aan aqoon u lahayn Cilmiga Sivil Aviation-ka, Sheegayna inaanay Wasaaradda Duulista iyo Hawada Joogin rag aqoon u leh Cilmigaas, kaas oo ku dooday inuu door ka ciyaaro in Da’yarta Somaliland loo diro dalalka dibada si Cilmiga lagu maamulo Hawada loo soo baro. Ugu horayna isaga oo Abiib arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ka mid ahay aqoon yahanadii Civil Aviation-ka min awalkii ilaa imika ka shaqayn jiray, waxaan ogahay inaanay Civil Aviation-ku noqon karaynin Hay’ad gaar loo leeyahay (Private Agency).

Somaliland, Somalia, Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo bariga Afrika oo dhami Civil Aviation-ka way wada leeyihiin oo wax Privates ahina ma jiraan mana noqonkarto Somaliland shirkad gaar loo leeyahay oo is maamuli karta. waxa iyaguna jira Military Aviation, waxa kale oo jira oo aan wali dalka ka baabi’in Police Aviation oo intaas oo dhami waxay ka mid noqonayaan oo ay hoos tagayaan dhamaantood Aviation-ka marka loo eego xaga dhaqanka oo wadankastaaba uu ku dhaqmo oo midna Private ma noqonayso midna dawladda ma noqonayo”.
 
Abiib Xadi isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in aniga iyo ragii khibrada u lahaa Aviation-ka ee bartay Cilmigiisa in su’aalo la iga waydiiyo oo waliba Wasaaradda lafteedu ay aniga wax iga waydiiso iyo sida ay wax u wadaan. Arinta aan sheegayaana waxa weeyaan in Civil Aviation Privete ahi isna wadi Karin aanu jirina Karin”.
 
Abiib Xadi Jaamac mar wax laga waydiiyey waxa uu kala socdo hay’adda dhinaca Hawada kala shaqaysa Wasaaradda Duulista iyo hawada ee Ikaawa, waxa uu yidhi “Hay’addaas aad sheegayso ee Ekaawa waxay qabato ee ay Hawada Somaliland ka wado anigu xog kama hayo oo mabaan maqal, waxay qoreen oo Warbaahinta Maxaliga ah ku qorana maan arag, laakiin cida la xaajoonaysa Civil Aviation-ka hay’adda Ekaawa ee taqaana waliba arintaasi halkay joogtaa, run ahaantii ma jirto oo maan arag cid aqoon u leh Civil Aviation oo Somaliland ka shaqaysa, markaa anigu taas maan arag Mucaaridna kuma ahi Xukuumadda taladda dalka haysa oo waxaan ka mid ah Xisbul Xaakimka Kulmiye ee hadalkani waa iga talo inaan arintaas doorka igaga beegan ka qabto”. Khabiirkani isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi;
 
 “Anigu waan tagay Madaarka oo waxa jooga nin Kenyati ah oo Air Traffic Controllers ah,isla markaana ninkaas aqoon wax laga waydiin karo Somaliland Civil Aviation-keeda ma jiro oo waaba Air Traffic Controller oo markaa meel uu ka soo gali karo in arimahaas lagala tashadaa ma jirto. Anigu waxaan arintan aan ka hadlayo waxaan u leeyahay aqoon fog oo ilaa Master Digree oo mudo aad u dheerna waan ku soo shaqaynayey arintan”. Abiib Xadi Jaamac mar uu ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey Khatarta isaga u muuqatay, wakhtigan, waxa uu yidhi;
 
“Wax khatar ah oo meesha ka muuqdaa horta ma jirto, cid aan cay u soo jeedinayo ama aan ceeb u soo jeedinayaana ma jirto, laakiin waxaan leeyahay Civil Aviation-ka cid aqoonteeda leh oo Wasaaradda Duulista joogtaa ma jirto, kama talin karaan mana ogaan karaan Qaybaha uu u qaybsamo, Cilmigiisa iyo sida uu u dhismayo. Markaa maadaama oo aanay joogin meesha rag aqoon u lehi waa in dadka muwaadiniinta ah ee aqoonta u leh ee waliba wax u soo bartaa ilaa heer Jaamacadeed ah waa in wax laga waydiiyo oo taladda wax laga siiyo. Markaa waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa intaynaan jar ka dhicin aynu wax is waydiino oo waxa yar ee inaga khaldan aynu saxno oo waxa hadalkaas iga keenay waa lexejeclo aan dalkayga ka qabo”. 
 
Xigasho: Haatuf 

No comments: