.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, October 2, 2012

Taariikhdii Gaariye Iyo Hadraawi: *Dhegta-maal*

 
- Abwaankii waynaa ee macagsiisa la odhan jiray Maxamed Xaashi Dhamac oo lagu naanaysi jiray Gaariye, ayaa dhawaan ku geeriyooday magaalo ku taal dalka Norway. Abwaan Maxamad Xaashi ''Gaariye'' ayaa in muddo ahba xanuunkiisa lagula tacaalayay dalka Norway, hase yeeshee tii Allah ayaa meesha taal oo tiisii ayaa ay noqotay! ''Allah ha u naxariisto''. 

Hadaba abwaan Gaariye oo ka mid ahaa abwaannadii ugu waaweynaa ee dadka ku hadla afka Soomaaliga ee degan Geeska Afrika, waxa uu ku soo biiriyay suugaanta Soomaalida waxyaalo badn oo muunad iyo labeen u ah. Waxa uu ahaa nin curiya suugaan cudoon oo aad u qiimo badan, waxa uu ahaa nin gabay-dhaadhi ah oo ka faalooda gabayada raga kale tiriyo. Waxa uu ka soo qayb qaatay gabayadii xaqa loogu hiilinayay ee baadilkana lagula dagaalamayay oo ay ka mid ahayd maansadii caanka ahayd ee Deel-lay iwm. Idaacada Somali-Voa ayaa hadaba taariikhda Gaariye ka waraysatay laba nin oo aad u yaqaan oo kala ah; Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Waxii ay ka yidhaahdeen hoosta ka dhegayso.
 
*Dhegta-maal*

No comments: