.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, October 25, 2012

Xajaaj Iyo Ninkii Reer Miyiga Ahaa: Sheeko

 
- Xajaaj Bin yuusuf Ath-Thaqafi waa nin taariikhda Islaamka caan ku ah. Noloshiisa wuxu ku bilaabay macalin Quraan. Waaxaanuu caan baxay markii uu ka mid noqday maamulkii reer Bini Ummaya. Waxa can ka dhigay isaga oo noqday: taliya ciidan oo hogaan adag oo habaysan leh, naxariis la’aan, dad dilnimo, iyo dulmi. Inkasta oo dhincayo wanaagsan lahaa, sida Quraanka oo uu amaray in xarkada lagu qoro, hadana magaciisu wuxu la macana noqday dil iyo dulmi.

Sheekooyinkiisa, oo aan dhowr idiin soo tebindoono, waxa ka mid ah in uu isaga oo xajka ku socoda la kulmay nin reer miyi ah oo isna xajaya oo ku dhawaaqaya, “labayka laahum labayk.” Askartiisii qaar ka mid ah ayuu u yeedhay oo ku yidhi, “Markuu ninkaa reer miyiga ahi talbiyadda dhaymaysto, soo kaxeeya oo ii keena.” Markuu ninkii reer miyiga ahaa talbiyaddii dhameeyay, ayay askarti soo kaxaysay oo u keentay Xajaaj.

Sheekadan ayaa dhexmartay Xajaaj iyo ninkii reer miyiga ahaa. Xajaaj: Xageed ka timid? Ninkii: Meel dheer. Xajaaj: Meesha dheeri waa xagee? Ninkii: Waa Ciraaq. Xajaaj: Ciraaq ka xagee? Ninkii: Magaaladii Xajaaj. Xajaaj: Bal Xajaaj ka waran? Ninkii: Waa Fircoonkii reer Binii Israa’iil oo kale. Waa dilaa carruurta laaya; dumarkana dhiba. Xajaaj: Imika xagee ku suganyahay? Ninkii: Xajkii ayuu qabtay. Xajaaj: Yuu Xukunkii kaga sii tegay?
 
Ninkii: Walaalkii. Xajaaj: Ka waran walaalkii? Ninkii: Waa daalin hunguri weyn oo caasi ah. Xajaaj: May garanaysaa? Ninkii: Maya. Xajaaj: Waxan ahay Xajaaj! Ninkii: Wallaahi shar baad tahay ugbaadkii engejiyay; oo dunidii cidhiidhyay; oo biyaheeda cabaya isaga oo la nacay oo malcuun ah!
 
Xajaaj: Walaalhi ninyahow reer miyiga ahi waan ku dilayaa dilmo aanan cid hore dilin! Ninkii: Ilaahay baan ka magan galay sharkaaga. Xajaaj: Inta aanan ku dilin, su’aalaan ku weydiinayaa iiga jawaab. Ninkii: Waan kaaga jawaaabi. Xajaaj: Quraanka wax ma ka taqaan? Ninkii: Haa. Xajaaj: Bal wax iiga akhri. Ninkii: “Idaa jaa’a nasrulaahi wal fatx; wa ra’ayta naasa yakhrujuuna min diini laahi afwaajaa.”Xajaaj: Yakhrujuun ma ahee waa yadkhuluun, ee maxaad sidaa u tidhi? Ninkii: Sidaasi waxay ahayd intii aan Xajaaj amiirka noqon.
 
Markuse Xajaaj amiirka noqday, sidaasi ayaa dhacday. Xajaaj inta uu aad u qoslay ayuu ninkii uu ku lahaa waxan kuu dilayaa si aanan cid kale u dilin sheeko dheer oo murti leh la sii waday.
 
(La soco qabaha kale.)
 
W/q: Prof. C/Salaan Yaasiin

No comments: