.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, October 27, 2012

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Odeyaasha Ingiriiska Oo Ka Garaabay Qadiyada Somaliland

 
''Furitaanka xafiiska UK ee Hargyesa, waxaan u aragnaa mid isku soo dhoweynaya labada dal ee Uk iyo Somaliland''. Golaha Xil.
 
- Xildhibaano ka tirsan Aqalka Odeyaasha Ingiriiska ayaa cadeeyey in furitaanka xafiiska UK ee Hargeysa muujinayso talaabo loo qaaday sidii Somaliland madaxbanaani u heli lahayd. Aqalka Odeyaasha Ingiriiska oo shalay dood ka yeeshay talaabooyinka xukuumadda Ingiriisku u qaaday sidii loo yareyn budhcad badeedka, isla markaana loo xasilin lahaa dalalka jaarka ee Geeska Afrika iyo Carabta, ayaa xildhibaanda Baroness Nicholson oo ka tirsan aqalka Odeyaasha Ingiriisku sheegtay,
 
“Talaabooyinka xukuumada Ingiriisku u qaaday inay hogaamiso taageerada beesha caalamku ka geysanayso Soomaaliya iyo dib-u-soo-celinta xukuumad ay yeelato waan soo dhoweynaynaa. Sidoo kale furitaanka xafiiska UK ee Hargyesa, waxaan u arkaa mid soo dhoweyn leh, isla markaana ah talaabo loo qaaday aqoonsi buuxa sidii wadan. Sidoo kale, xildhibaan Richard luce, ayaa sheegay inaanay shacabka Somaliland doonayn midnimo dambe oo dhex marta Somaliya, waxaanu tallo u soo jeediyay madaxda Somaliland oo waxa uu yidhi; 
 
“Hadaan ka hadlo Geeska Afrika. Waxaan bilowgii 1959-kii ku soo maray awr qeybo ka mid ah Somaliland iyo Kenya, markaan ahaa sarkaalkii degmo ugu danbeeyey Ingiriiska Somaliland, sannadkii 1961-dii. Soomaalidu waa dad saaxii wanaagsan, isla-weyn, maskax furan, badina ka shakiya ajaanibka, keli I dhaqma oo neceb awood dhexe.” Ayuu yidhi Luce, waxaanu intaas raaciyay “Somaliland wakhtigan way degan tahay, waxaanay doorteen baarlamaan iyo Madaxweyne, taasoo, doorashooyinkii deegaanka dhowaan la filayo.
 
Khibradii xumayd ee soo martay 40 sannadood u dambeeyey, waxay ka dhigan tahay in shacabka Somaliland aanay doonayn midnimo danbe ooy la yeeshaan Soomaaliya. Waxa muhiim ah markaa in hogaamiyeyaasha Somaliland kala xaajoodaan xidhiidhkooda mustaqbalka Soomaaliya.”
 
Xigasho: Geeska

No comments: