- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo dood xasaasiya ka yeeshay Ajandaha
kalfadhiga 20aad ayaa doodahooga ku soo jeediyey in guddi baadhisa loo saaro
rabshadihii dhismashada iyo dhawaaca keenay ee ka dhashay natiijadii doorashada
golayaasha deegaanada ee dalka ka qabsoontay 28 November 2012-ka iyo
Musuqmaasuqii ka dhacay codadkii ka soo baxay doorashada, iyagoo dhinaca kalena
mudanayaasha aqalabiyadoodu ay doodahooga ku soo jeediyeen in ajandaha
kalfadhiga laga saaro xeerka saxaafada ee lagu shirqoolayo sharciga dhaqan galka
ah ee anshaxa saxaafada oo ay ku tilmaameen mid muhmal ah, oo ka horimanaysa
madaxbanaanida saxaafada, taas darteedna ay ku taliyeen in ajandaha laga saaro.
Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo
gudoominayay fadhiga shalay oo ay doodahooga ka dhiibteen mudanayaal door ah oo
iskaga aragti ahaa badidoodu in ajandaha lagu soo daro qiimaynta xaalada dalka,
guddi baadhisana loo saaro dibaatooyinkii ka dhashay doorashada.
Md Maxamuud Jaamac Xaaji Cilmi oo ugu horayn doodiisa ka
dhiibtay ajandaha kalfadhiga ayaa ku dooday;
“Waa in ajandaha lagu soo daro
qiimaynta xaalada dalka, isla markaana guddi baadhisa loo saaro dhibaatooyinkii
ka yimid natiijadii codadka dooarshada golayaasha deegaanka oo sababay in dad ku
dhinteen qaladaadkii ka soo baxay habkii doorashadu u dhacday”.
Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) ayaa isaguna ku
dooday in ajandaha laga saaro xeerka saxaafada, tilmaamayna in xeer hore oo
saxaafada oo dhaqan gal ahi uu jiro “Waxaan soo jeedinayaa in ajandaha laga
saaro xeerka saxaafada ee lagu soo daray, maxaa yeelay xeer hore oo dhaqangal ah
oo saxaafadeed ayaa jira, saxaafad iyo suxufiyiintuna waxay u baahan yihiin
tababaro aqoontooda saxaafadeed kor loogu qaado” Md Bashiir Xuseen Tukaale ayaa
isaguna ku dooday “Musuqmaasuqii ka dhashay codbixintii doorashada iyo dadkii ka
mudaharaaday ee lagu laayay-ba waa in guddi baadhis ku samaysa dhibaatooyinkaasi
ay xukuumada iyo komishanku sababeen goluhu u saaro, waxaa dhacday in waraaqihii
codbixinta suuqyada lagu kala koobi garaysto”
Md Aadan Xaaji Diiriye Dirir ayaa isaguna naqdiyay qaabka
shirgudoonka ay usoo diyaariyaan ajandayaasha “Qodobadii qabyada ka ahaa
ajandihii hore waa in la keeno si loo qabyo tiro, ajandayaasha kalfadhiyada ma
shirgudoonka iyo xoghayahaa soo diyaarsada mise waa in guddiyada lala tashado oo
xeerarka ay hayaan lagu soo daro, guddigayaga khayraadka dabiicigu waxaanu
haynaa 1. xeerarka Kaluumaysiga 2. xeerka dawooyinka cayayaanka lagu buufiyo 3.
Consumar act, waxaan soo jeedinayaa in ajandaha lagu soo daro
xeerarkaasi”.
Xildhibaan Baar Siciid Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan
Yuusuf Cartan oo iyaguna doodahooga ka dhiibtay, ayaa soo jeediyay in xeerka
saxaafada ee muhmalka ah laga saaro ajandaha, kuwaas oo ku tilmaamay mid ka
horimanaya xeerka anshaxa saxaafada ee dhaqangalka ah xeer Lr
27/2004.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment