.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, December 23, 2012

Dawladihii Hore Nabadgalyaday Ilaalin Jireen Tani-se Iyadaa Dalkii Duminaysa

 
- Xildhibaan Baar Siciid Faarax Dhahar oo ah xildhibaanada kaliya ee haweenayda ah ee ku jirta golaha Wakiilada Somaliland ayaa xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedaysay inay faragalin qaawan ku hayso hogaanada golayaasha deegaanada ee cusubi ay dooranayaan, waxaanay tilmaantay in dalka xaalado amaan darro iyo qalalaase ay ka abuurayso xukuumadu, waxaanay intaa ku dartay in hantidii qaranka ay xukuumadu u adeegsanayso sidii Maayaro u dhego nugul ay golayaasha deegaanadu u dooran lahaayeen, taas darteedna ay sheegtay in shaqaalihii dawlada loogu hanjabayo in shaqada laga eryi doono qofkii aan xildhibaankiisa golaha deegaanka ku jira aan ku soo xidhin xukuumada.
 
Xildhibaan Baar Siciid waxay sidaasi ku sheegtay mar uu shalay wargeyska Haatuf xogwaraysi khaasa uu kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, ayaa sidoo kalena xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedaysay masuuliyada sababihii doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 November 2012 looga qaban waayay deegaanada bariga Sanaag ee ay ka soo jeedo oo ay tilmaantay in xukuumadu ay ku fashilantay inay sugto amaanka deegaanada bariga Sanaag.

Xildhibaan Baar Siciid iyada oo ka hadlaysa arrimahaasi wxay tidhi “Waxay ahayd inaynu distoorka iyo shuruucda dalka ku dhaqano, golayaashan deegaanka ummada ayaa soo dooratay, waxay ahayd inay xukuumadu faragalinta iyo cago juglaynta ay ka dayso, waxaa hada la marayaa in shaqaalihii dawlada lagu yidhaahdo ninka aan xildhibaankiisa deegaanka keenin waa la eryayaa, dawladuhu iyagaa nabadgalyada ilaalin jiray, waxaadse moodaa in xukuumadan Madawxweyne Siilaanyo iyadii nabadgalyo darradii abuurayso, heerka ay marayso oo ay iyadu xaalad abuur dalka ka aloosayso, waxaan leeyahay xukuumadu faragalinta golayaasha deegaanka ha ka dayso, xubnaha golayaasha deegaanada ayaa iyagu u madaxbanaan doorashada Maayarada iyo maayar ku xigeenada, nasiib daro xukuumadii iyadii baa doonaysa in Maayar taabacsan ay doorasho oo dhaqaale ku bixinaysa, shaqaalihiina u hanjabaysa.
 
Waxa fawaaxisha ayaa dalka ka socda, siiba degmada Ceerigaabo waa inay dawladu ka xishootaa laba nin oo isku rer Ceerigaabo ah inay iska horkeento, dawladu fidmo ayay ka wadaa degmada Ceerigaabo, farahana ha kala dhex baxdo golaha deegaanku cidda ay dooranayaan, mararka qaarkood waaxaaban is idhaahdaa malaha Madaxweynuhu waxan dalka ka socda waxba kama ogee meelo soke ayaa laga soo maleegayaa, arrin madaxweyunuhu ogaan waayo waxan dalka ka socda maahee madaxweynaha waxaan leeyahay wasiiradaadan xaalad abuurka ka wada Ceerigaabo wax ka qabo, xubnaha golayaasha deegaankana qaarna ha soo dhawaysan qaarna ha fogayne ha kuu sinaadeen”
 
“Nin reer Ceerigaabo ah oo la yidhaahdo Barre Cilmi Dable ayaa bari gabyay iyadoo laba nin nina taajir yahay nina aanu hanti haysani ay doorasho ku tartameen markaasu yidhi “lacag Ra’iis lagu noqdo laysku raacaayo rabdadihii xashiish ayaan raro aboor ku laasteen! waxaan leeyahay dawladu lacagaha ay dadka iskaga horkeenayaan dalka wax hawgu qabteen”.
 
Xidhibaan Baar oo ka hadlaysa aragtideeda ku wajahan go’aankii komishanku kaga joojiyeen in doorashadii golayaasha deegaanada inay ka dhacdo deegaanda bariga Sanaag, waxay tidhi “degmooyinka Badhan, Dhahar iyo bariga Sanaag waxay ku yaalaan meel xad ah, dawladii hore marka doorashooyinku soo dhawaadaan bil ka hor ayay ciidamo gayn jirtay, xukuumadan Siilaanyo waxay ka baaqsatay inay ciidamo gayso bariga Sanaag dabadeedna ciidamo kale ayaa soo galay,
 
Sidaa darteed xukuumada madaxweyne Siilaanyo ayaa ku fashilantay inay dalka doorasho ka wada qabato, waxa kale oo ay ku fashilantay doorashadii qabsoontay, afarti doorasho ee hore dalka uga dhacay wixii musuqmaasuq ka dhacay doorashadan musuqmaasuqii ka dhacay ayaa ka badan”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: