.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, December 14, 2012

Taariikhdu Isma Qorto ee Waa La Qortaa; Horta, ''Ina Cabdalla Xasan & Carab-dheere Kee Mudan?!

 
- Dadka qaar ayaa yidhaa; ''Taariikhdu iyadaa is-qorta''! Xaasha-e, yaan sidaa loo qaadan. Taariikhdu, marka u horaysa ma aha wax iyadu gaar ahaanteeda awood u leh ay isku habayso oo inta ay Qalin iyo Buug qaadato ay isku shareerto! Xaasha! Mana aha mid sida cadceeda/qoraxda oo kale karti u leh inay indhaha caalamka mar kali ah wada shiiqisa! Xaasha! Taariikhdu ma aha wax marka ay bilaabmayso goob joog loo wada noqon karo! Ma aha wax meel kasta xili isku mid ah iyo si isku mid ah uga aloosanta oo ogaanshaheeda loo sinaan karo. Taariikhdu way ka duwantahay sidaa oo waa wax meel gooni ah, goor gooni ah, xaalad gooni ah, cid gooni ah iyo ujeedo gooni ah ku dhacda oo ka amba-qaadanta.

Sidaas darteed; Mar hadii ay hadaba sidaa tahay, waxa aan shaki ku jirin oo dhab ah in taariikh kasta oo dhacdaaba ay cid gaar ah oo ah kuwa ay khusayso ay gacmahooda ku jirto oo ay magan-na u tahay, oo taariikhdaasi xaqiiqadeeda, karaamada, qaabka, dhadhanka, culayska iyo cimriga ay yeelanaysaa ay ku xidhan tahay u-hagar baxa, daacadnimada, xeel-sha ay adeegsadaan ee ay dadkaasi ku soo tabiyaan! Bal hadaba, taariikhaha waawayn ee ay Aduunyada kale qaarkeed sheegato ee aynu meelahaa jiritaankooda ka bawsanay ha inaga maqnaadeene meesheenii yarayd ee Geeska Afrika iyo degaamada dadka Af-soomaaliga ku hadlaa degaan, hadii aan u soo noqono, waxa la is waydiin karaa ma jiraa Taariikh Sugan oo la isla ogol yahay oo dhacday oo dabadeedna si hufan oo aan laaxin lahayn loo soo tabiyay? Jawaabu waxa ay tahay, waa yar yihiin oo hadii ay jirtoba waa hal iyo laba.

Taa bedelkeedase waxa jira, wax ciidaa ka badan oo taariikh lagu sheego oo loo qorto oo loo faafiyo sida ugu fiican ee ay qolada markaa iyagu isu qaba inay dadka kale ka xigaan ugu badinayso!. Taariikhaha sidaa guracan ee agnaan-nimada badani ku jirto loo qoro ee waliba aadka loogu talax tagay bunbuninteeda iyo naaxnaaxinteeda waxa ka mid ah, ta laga sheegsheego Ina Cabdalla Xasan iyo ujeedadii ka dambaysay dagaaladii koobnaa ee uu dadkii jibaysnaa ee dhankiisa ka soo jeeday uu ku hoday/malgay! Ujeedada kaliya ee ka dambaysa in aad looga sheekeeyo Ina Cabdalla Xasan oo waliba la qurxiyona waxa ay tahay in beel ka mid ah beelaha Soomaalida Karaamo aaanay lahayn loogu yeelo, kuwa kale ee badan-na lagu Gun-neeyo!

Hadaba, hoosta ka akhri maqaal aad u-xiiso badan oo arintaa (Ina-Cabdalla Xasan iyo tariikhdiisa la farsameeyay) uu ka qoray nin magaciisa la yidhaa. mudane Ibraahim Yuusuf Hawd......''lana soco in ay Taariikhdii Halyaygii Carab-dheere ee jabiyay Ina-Cabdala Xasan iyo ragii raga ahaa ee badnaa ee kalena ay u baahan yihiin in boodhka toodii dhabta ahayd laga jafo oo haatan waa la sheelaye la sheego!!

*Waa kan maqaalkii Ibraahim Hawd uu qoray ee Akhris Wanaagsan;
http://waayeelnews.blogspot.co.uk/2012/11/daraawiishi-yaa-ay-ahayd-wq-ibrahim-hawd.html

No comments: