JSL; -Wasaarada waxabarashada iyo tacliinta sare Somaliland, oo kaashanaysa EU-da
iyo UNICEF ayaa shalay min Toban kun oo Dolar iyo shahaado sharaf ku maamuustay
lix macalin oo ka mida macalimiinta ruug cadaaga ah ee xiligan hawl gab
noqdoy.
Xaflada lagu sii sagootinayay macalimiintaas ayaa shalay
ka qabsoontay hoolka shirarka xarunta waxbarashada gobolka Maroodi-jeex, waxaan
ka soo qeyb galay, Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo
Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshadda Maxamuud
Barre Garaad, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Nuux Sh. Muuse,
masuuliyiin ka socdey Hay’adaha EU iyo UNICEF, Guddoomiyaha Jaamacada Camuud
iyo Macalimiinta lacagta iyo shahaadada la gudoon siiyay.
Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam
Cabdi Aadan, oo munaasibadaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in lix macalin oo
hawl-gab noqdey ay gudoonsiinayaan lacag (10,000$) iyo shahaado sharaf,
waxaanay tilmaantay in macalimiintan ay in badan wadanka ka soo shaqeeyeen isla
markaana mudan yihiin in la karaameeyo.
Marwo Samsam Cabdi Aadan iyada oo
arimahaas ka hadlayana,waxa ay tidhi “Waxaanu maamus ku sagootinaynaa lix ka
mida macalimiinta ruug cadaaga ah ee Wasaarada mudada dheer ka soo shaqeynayey,
waxaanu u qorshaynay annaga oo kaashaynayna EU-da iyo UNICEF adduun dhan
toban kun oo dolar (10,000$) iyo waliba shahaado sharaf ”. Marwo Samsam Cabdi
Aadan, oo hadalkeeda sii watay waxay intaasi ku dartay “Macalimiintan muddo
badan ayay wadanka ka soo shaqeeyeen maaha dameerkii marka uu garbo beelo halka
uu taagan yahay lagaga dhaqaaqayey, waxaanay mudan yihiin aduunkan yar ee aanu
gudoonsiinay mid ka badan”.
Sidoo kale Wasiirka Waxbarashaddu waxay intaasi ku ladhay
“Markii aan Wasaaradda aan imi macalimiintan iyo dhalinyaro oo Wasaarada
Waxbarashada ka tirsan ayaa hawl-gab lagu qorey iyada oo aan waxba nalaga
ogaysiin taasaa keentay inaanu ka hawl galno oo aan dib u soo celino, waxaan
hawshan naga caawiyey Haay’ado badan oo kala ah EU-da iyo UNICEF, waanan u
mahad celinayaa”. Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxay lixdii macalin mid-mid u
gudoonsiisay jeeg ay ku qoran yihiin lacag dhan toban kun dololar (10,000$) iyo
shahaado sharafeed.
Macalin, Ibraahim Maxamed Siciid (Dhagawayne), oo ka mida
lixda macalin ee hawl gabka noqday ee wasaaraddu lacagta ugu deeqday, ayaa
sheegay inay ku adag tahay in uu dareenkiisa farxadeed uu hadal ku cabiro,
waxaanu codsadey in sawiradooda lagu daro sawiradda macalimiintii hore
waxbarashada ee sudhan hoolka shirarka ee wasaarada oo hab maamuus looga dhigo,
waxaanu sheegay inay garab taagan yihiin Wasaarada Waxbarashada tallo iyo
tusaale wixii looga baahdo.
Dhinaca kale magacyadda Lixda macalin ee Lacagta iyo
shahaadooyinka la gudoonsiiyey ayaa waxay kala yihiin Ibraahim Siciid
Dhego-weyne, Maxamed Kaahin Diiriye, Maxamuud Xaaji Xasan (Tulux), Maxamuud
Maxamed Ismaaciil iyo Cabdi Gaax-nuug.
Si kasta ha ahaatee Waa tallaabadii ugu horeysay ee
wasaarad ka mid ah Haay’adaha dawliga ahi ku abaal mariso shaqaalaheeda tacabka
badan soo galay, waxaana soo dhaweeyay hawl-wadeenadda kala duwan ee wasaaradda
iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment