.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 9, 2013

Madaxwaynaha Somaliland Iyo Wafti Uu Wato Oo U Ambobaxay Turkey

 
- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti heer qaran ah oo uu hoggaaminayay ayaa maanta socdaal ugu kicitimay dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan wada hadalo fool-ka fool ah oo ay la yeelan doonaan dawladda Soomaaliya oo ay marti-gelisay ama gogoshiisa dhigtay xukuumadda Turkigu.Madaxweynaha Somaliland oo waxyar ka hor intii aanay u kicitimin Turkiga qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi;
 
  “Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo la noogu martiqaaday wada hadal u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, inaga siyaasadeenu waxay ahayd goor walba, mar kasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa. Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qayb-galnay, meelo aynu ka gows qabsanayna way jiraan sababo ah inay inoo cuntami waayeen.”
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markaa halkaasi ayaanu tagaynaa waxaana inoo furmaya wada hadaladii, madax badan oo raysal-baarlamaanku ka mid yahayna waanu ku tagaynaa iyo masuuliyiinta axsaabtu. Waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, inaynu shirarkan tagnaana danteena ayaa ku jirta.”
 
 Cida qadiyadeeda iyo madax-banaanideeda inay dunida gaadhsiiso la doonayaana waa inaga, taana mar walba diyaar-baanu u nahay inaanynu qaran ahaan u dhamaano xisbiyada haddii aynu nahay iyo haddii aanu dawladda nahayba, markaa waxaanu rajeynaynaa inaanu guul kala soo noqono,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
 
Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyey inuu bulshada u sharaxo ajandaha shirka Turkiga ayaa yidhi “Ajandihiisa cadaan lanoogama dhigin oo wax kow iyo laba aan odhan karayo maaha, laakiin waa Somaliland iyo Soomaaliya oo la wada-hadalsiinayo, laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in laga mid noqdo, Somaliland-na waxay doonaysaa in madax-banaanideeda dunidu ictiraafto oo ay ogolaato.”

Guddoomiyeyaasha axsaabta siyaasadda ee qaranka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha dibadda, Madaxtooyadda, shaqada iyo arrimaha bulshadda, Cadaalada. Madaxweynaha Somaliland waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, iyadoo uu halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka.
 
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ajiibtay marti-qaadka ay ka heleen dalka Marti-gelinaya wada hadaladan ay yeelanayaan Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaanay ku dooday in kulankani u qabsoomi doono Somaliland oo dhinac ah iyo Soomaaliya oo darafka kale ah.
 
Shirkan ayaa dabo socda laba shir oo ka horeeyay oo kal-hore lagu kala qabtay Ingiriiska iyo Imaaraadka carabta oo lagu saxeexay heshiis ka koobnaa lix qodob oo dulucdiisu ahayd in la sii ambo-qaado wada hadalada labada geesood u bilowday iyo inay ka shaqeeyaan masaalixda mandaqada sida la dagaalanka argagixisada iyo kifaaxa lagula jiro budh-cad badeedka.
 
Sidoo kale, waxa xukuumaddu ay hore u sheegtay inaanay ka qeyb galaynin shirka 6-da Bisha May ee fooda inagu soo haysa ka qabsoomi doona magaaladda London ee dalka Ingiriiska, kaasi oo ay daboolka ka qaaday inaanu wax faa’iido ahi ugu jirin qaranimadda Somaliland balse uu yahay shir u khaas ah dawlada laga yab-yabay Soomaaliya iyo qaadhaan-bixiyeyaasha oo loo weydiinayo inay dhaqaale ugu yaboohaan si ay cagaheeda iskugu taagto dawladan duruufaysani.
 
Xigasho: Somaliland.org

No comments: