.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, May 17, 2013

18-ka May Waan Mahadinay Ee Muunadeeya!‏


- Todobaadadii u dambeeyay ee ina dhaafay dadka reer Somaliland meel ay joogaanba waxa ay u diyaar garoobayeen, qabanqaabada damaashaadka, dabaaldaga, xusida iyo waynaynta maalinta 18ka May ee inoogu suntan; ''la soo noqoshada Qaran-nimada Jamhuuriyadda Somaliland''.

Si ay u noqoto maalintani (18ka May), mid gaar ah oo yuhuunta dadka reer Somaliland bil-sha lagana reebo xasuuso dib u dheehasho leh oo duug yeesha waxa Gu' kasta fooladaynteeda loo huraa oo la galiyaa, tacab aad iyo aad u badan. Waxa loo quudhaa aduun aan cadad iyo xisaab lahayn! Waxa loo maroojiyaa maskaxo badan oo laga tuujinayo murti iyo maaweelo dareenka dadka cariya! Waa loo kalaha oo loo guura galaa!

Hadaba, maalinta waxaasoo hawl iyo hanti ( Maskax, maal, muruq iwm) ah mudan in la galiyaa ma tahay mid la fududaysan karo waxa ay u taagan tahay? Ilama aha. Waayo? waa loo Goblamay! Loo god galay! Loo guur seegay! Loo moora duugmay! Loo laxaad beelay! Loo xis waayay! Loo dabar go'ay! Sidaa darteed, waxa inala gudboon in aan Taxliisheeda sii badino oo da'iba da' da ka dambaysa Johorada bisha May (18ka) u sii dhiibto.

Il iyo cawriba ha la'aatee waa in Wadaad iyo waranleh-ba meel aan uga soo wada jeedsanaa ilaalinta karaamada maalintan sharafan ee Allah inagu manaystay.

F.G: Ictraafku isagaa dan u iman ee aan inagu waajibkeena ka soo baxno oo si daacadnimo leh dalkeena ugu shaqayno.

''Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed''

- Cali Cumar Xasan

No comments: