- Magaalooyinka uu ka kooban yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan caasimada dalka Hargeysa, waxa saaka subaxii ilaa duhurkii maanta ka socday dabaaldegyo iyo damaashaadyadii ugu balaadhnaa ee xuska maalinta 18ka May loo sameeyo!
Munaasibadan maanta oo ku beegan sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanida qaran-nimada J. Somaliland oo ahayd 18-kii bishii May ee Sanadkii 1991. Waxa xuskan dartii maanta Khudbad dadka u jeediyay Madaxwaynaha J.Somaliland mudane Axmed M. Maxamad Siilaanyo. BBC-Somali ayaa barnaamij ka diyaarisay maalintan Qiimaha leh.
*Dhegta-maal;
No comments:
Post a Comment