.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, May 18, 2013

Madaxwayne Axmed Siilaanyo: Fariinta Xuska 18ka MAY


- Xuska 18ka May: Madaxweynaha J. Somaliland Mudane Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga reer Somaliland meel ay joogaanba ugu baaqay inay u midoobaan oo ay nooleeyaan munaasibadda 18ka May ee 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida qaranka J.Somaliland. Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo farriin u diray shacbiga reer Somaliland ayaa waxa uu yidhi sidan;

“Xiligan oo aynu u dabaal degayno xornimada Somaliland, waxaan anigoo ah madaxweynaha Somaliland ugu baaqayaa bulshadda Somaliland ee ku kala sugan daafaha dunida inay u midoobaan xuska 22-guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, siday caawa daabacday mareegta SomalilandGov.

“Waxay bulshadda Somaliland u noqonaysaa xuskani fursad la yaableh oo isku keenaysa bulshada Somaliland. Meel kasta oo aad ka joogtaan adduunka waxaan idiin rajaynayaa wakhtigan la xusayo qaranimada Somaliland inaad soo xasuusataan walaalahiin. Taariikhda dalkeenu waxay 22-kii sanadood ee la soo dhaafay soo martay marxlado badan,”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland
.
“Dalkeenu waa jasiirad nabadoon oo maamul wanaag ka jiro oo ku yaalla Geeska Afrika,”ayuu sheegay Madaxweynuhu.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu intaas raaciyay “Wada jirkeenu waxa uu keenayaa inaynu hagaajisano mustaqbalka oo horumarino dalkeena aynu dhammaanteen u han-weyn nahay,”


Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba ku bogaadiyay munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.

- Somalilanders

No comments: