.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, May 14, 2013

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Maalinta Xuska 18 May Uu 12 Sarkaal Ka Dhigi Doono Jananno


 - Munaasibada 18-ka May xuska maalinta qaranimada Somaliland oo ku began 18-ka bishan May ayaa la sheegay Xuska maalintaas Xukuumadda Somaliland laba iyo toban Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ku Toli doonto darajada Janan, taas oo ka dhigi doonta tirada Jananada Ciidanka Qaranka 15 Genaraal. 

Ku tolista darajada laba iyo Tobanka Janan ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ku taxi doono marka uu dhamaado dabaal dega xuska 18-ka May, isagoo Maalintaas ku xusi doona arrimo kale oo lagu weynaynayo Xuskaasi. Warku ma sheegin in la siin doono Ciidamada kale wax darajo ah, hase yeeshee ilo wareedyadu waxay intaa ku darayaan in tirada la siin doonaa noqon doonto oo kali ah laba iyo tobankaas Janan oo laga soo xulay Ciidanka qaranka oo kali ah. 

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in go’aankan lagu soo af-jaray dood dheer oo beryahanba lagu eegayay qaabkii Ciidamadda kala duwan darajada loo siin lahaa xuska 18 may ka hor, hase yeeshee aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay ayaa la sheegay in dib loogu dhigay Ciidanka in darajadii loogu balan qaaday lagu Tolo. Qaar ka mid ah Guddidii bixinta Darajada ayaa la sheegay in ay xilkaas iska casileen, isla markaana la jaan qaadi kari waayeen qaabka ay Xukuumaddu doonayso in darajooyinka loo bixiyo, waxaana la sheegayaa in la magacaabay xubno kale oo lagu bedelay.

Xigasho: Haatuf

No comments: