.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 20, 2013

Taariikhdii la Dafiray (The Denied History): Dr. Maxamed-Rashiid Sheek Xassan


- Hadal layaab leh ayaa ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maalintii la xusayay xornimada Somaliland.? ?. ?18 May Waxay Mudnayd Hambalyo iyo Hawraar San, Balse Bah-dil iyo Hawraar Xun May Gayin? Maalinta xornimada Somaliland ee 18-ka May waxa loo soo maray dhibaatooyin fara badan oo dad aad u tiro badani u god-galeen, taas oo wali ay sii taagan tahay riiqdiisii iyo raadkii uu ka tagay. 

Waxa xusid mudan dhacdadii naxdinta iyo argagaxa xambaarsanayd ee lagu laayay dadkii 40-ka kor u dhaafay ee lagu xasuuqay xeebta Jazeera ee ku taal duleedka Magaalada Muqdisho 17 July, 1989. Waxa kale oo jira xabaalo wadareedyadii daadadku soo faqi jireen oo ka mid ah xasuuqii loo geystay ummaddan u dabaal-dagaysay midhihii halgankii ay dhiiga badan u daadiyeen. 

Haddaba waxa layaab iyo fajiciso noqotay in uu madaxweynaha Soomaaliya isdiidsiiyo waxyaalahaas soo qabsaday dadka Reer Somaliland kuna tilmaamo ?CAADIFAD? oo ah eray bah-dilid ah oo tilmaamaya in dadka reer Somaliland ayna caqli badan iyo garasho lahayn. Marka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu sidaas u hadlaya waxa cad inuu doonayo inuu xabaalo taariikhdii Somaliland. 

Waxa kale oo xusid mudan in Somaliland waxay ahayd goobtii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago ee xor ka noqota gumaysigii, kadibna calankeedii ugu wanqashay sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah oo xor ah oo hadhsada calan kaliya. Balse, waxa ayaan-daro ah in dadka reer Somaliland loogu abaal-guday cabudhin, caga-juglayn iyo xasuuq. Taas oo ku kaliftay Ummadda Somaliland in ay qiimo kastaba haku joogtee la soo noqoto xornimadeedii khasaartay. 

Haddaba, maadaama oo ay bilaabmeen wadahadalo u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, oo qodobadii ugu horeeyay ee lagu heshiiyay ay yihiin in la ilaaliyo qodobadaas oo ay ka mid yihiin in laga fogaado hadalada xanafta leh ee carqalada ku keenaya is-aaminadaa labada dhinac. 

Ummadda Soomaaliyeed waa in ay isweydiisaa su?aasha ah: ?Maxaa ku kalifay Madaxweynaha Soomaaliya in uu taariikhdaas ku tilmaamo ?CAADIFAD?, iyo waxa ka dhalan kara? Jawaabta Su?aashaas waxa aan uga tagayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaa. 

Dadka Soomaaliyeed guud ahaan way lahaayeen dhaqan ahaan xeerar iyo waxyaalo aan laga talaabsan jirin oo lama taabtaan ahaa qofku siyaasiga uu doono ha ahaadee. Haddaba, waxa aanu uga fadhinaa Madaxweynaha Soomaaliya in uu raaligelin ka bixyo arrintaas aanay gayin Ummadda Reer Somaliland, ee uu ku soo beegay wakhti ay dadku xasuusan yihiin maalintaa dhibtii loo soo maray iyo dhiigii loo soo daadiyay. 

Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan
(Wasiiru Dawlaha Arimaha Dabada JSL)

No comments: