.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, May 28, 2013

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland oo Ashkato ula tagay Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Kenya

wasiir Cabdilaahi cumer

-Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay qarramadda Midoobay kala xaajoonayaan gaabis iyo isbedel ku yimid qaar ka mid ah Hay’adaha UN-ka ee ka hawl-gala dalka.Wasiirka Khaarajigu waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu Shallay ka dhoofayay madaarka Berbera isagoo u kicitimay dalka Kenya, waxaanay Saxaafadu su’aalo ka weydiisay dulucda socdaalkiisa.

Wasiirka oo ugu horayn la weydiiyay sida uu u arko wada shaqaynta Somaliland iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxa uu yidhi “Marka Loo eego xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda Somaliland iyo ha’yaddaha Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa wuu wanaagsan yahay, hase yeeshee waxa imika jira oo soo baxaya oo aanu arkaynaa meelo u baahan in la hagaajiyo.”


Wasiir Maxamed Cabdilaahi waxa uu tilmaamay inay qarramadda midoobay uga fadhiyaan inay dhawraan baratakoolka loo wada shaqeeyo, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Hay’adaha qaranku waxay ka cabanayaan Hay’ado ka mid ah jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo wada shaqayntii ay la lahaayeen dalka uu gaabis iyo isbedel ka jiro meelaha qaarkood, waxaanu jecelahay inaanu qarramadda midoobay arrintaasi kala hadalno oo aanu ugu baaqno in loo baahan yahay in arrimahaasi dib loo eego. Somaliland muddo dheer ayay la macaamilaysay Hay’adaha qarramadda midoobay, waxaana jiray baratakoolo iyo hab lagu shaqeeyo oo ka dhaxeeyay labadooda. 

Waxaanu doonaynaa in baratakoolkaasi la dhawro oo aan lagu xad-gudbin.”Wasiirku wuxuu intaas ku ladhay “Mucaawinadda ay bixiso jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaana waa in aanay waxyeelo u gaysan qaranimadda iyo xoriyadda Somaliland. Waanu ognahay inaanay Somaliland qarramadda midoobay ku lahayn kursi, laakiin xurmo iyo sharaf baa ka dhaxaysay muddo dheer.”


Intaasi wax uu raaciyey “Waxaanu doonaynaa in dawladda Somaliland lagala tashado isbedeladda ku imanaya jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Tusaale ahaan arrintii maamulka hawadda waxaanu u aragnaa iyadoo aan Somaliland lagala tashan xafiiska UNDP ee qarrammadda Midoobay uu si baal-marsan nidaamka dawliga ah iyo nidaamkii aanu hore ugu wada shaqayn jirnay inuu maamulka hawadda ku wareejiyay dawladda Soomaaliya ee Muqdisho, Arrintaas ma ogolin waanan ka hadalnay, waxaanan warqad mowqifka dawladda Somaliland ka turjumaysa aanu u gudbinaynaa Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.


Xigasho: Waaheen

No comments: