.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, May 17, 2013

Xukuumadda Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramadda Midoobay


- Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa si kulul u naqdiyey War-murtiyeed 9-kii May uu soo saaray Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Jan Eliasson, kaas oo uu ku sheegay in Somaliland ay si dad-ban uga qaybgashay Shirkii dhawaan Somalia loogu qabtay Magaaladda London.

Dr Maxamed C/laahi waxa uu waxba kama jiraan iyo been-abuur ku tilmaamay hadalkaas ka soo yeedhay masuulka labaad ee Jimciyadda Quruumaha ka dhacaysa Mr Jan Eliasson, kaas oo sheegay inaanay Somaliland qayb ka ahayn wufuudii Somalia ka socotay ee ka qaybgashay shirkaas, isla markaana xusay in la xaqiray dadaalada Jamhuuriyadda Somaliland ay Caalamka kagala shaqayso sidii loo xasilin lahaa Somaliland. 


Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar  waxa uu tilmaamay in hadalka ka soo yeedhay ku xigeenka Xoghayaha Guud uu ula muuqdo mid lagu waxyeelaynayo Dimuqraadiyada iyo Horumarka ka jira Somaliland, isla markaana tibaaxay in Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ay laftigeedu bilawday bara-bogaando ka dhan ah Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay War-murtiyeed uu Xalay ka soo saaray Xafiiskiisa, kaas oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Xafiiska Wargeyska Haatuf. Isaga oo dhamaystirana, waxa uu ku bilaabmayaa sidan:- 

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag uga Warwarsan Tahay War-Murtiyeed U Soo Saaray Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Jan Eliasson oo shirjaraa’id qabtay 9-kii May oo daba socday shirkii Caalamiga ahaa ee Somalia, waxa aan aamin-sanahay in aan cadeeyo in la marin habaabiyey Maqaamkii Somaliland kaga jirtay dadaalada beesha Caalamku ku doonaysay inay dib ugu dhisto Somalia, iyada oo dawladayduna go’aansatay inaanay ka qaybgalin shirkaas Caalamiga ahaa. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda u taageertay dadaalada dib loogu dhisayo, laguna xasilinayo wadanka aanu jaarka nahay ee Somalia.

Somalia oo amaan iyo nabadgalyo heshaa waxay awood u yeelanaysaa la dagaalanka Argagixisada iyo kuwa xagjirka ah ee kharbudaada ama rabshadaha sameeya, inay wax ka qabato Macaluusha iyo inay Cidhib-tirto Budh-cad Badeeda, arimahaas oo dhamina waxay dani ugu jirtaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Somaliland waxa ay ka qaybqaadatey shirkii Caalamiga ahaa ee London ka dhacay bishii February 2012-kii. Anagu sidoo kale qayb kamaanaan ahayn Wufuudii Somalia, hase yeeshee waxaanu lahayn Xaqayaga gaarka ah iyo in Madaxwaynahayagu uu helo fursad uu hadal kaga jeediyo shirka Isaga oo ah Madaxwayne Somaliland matalaya. 

Hadalkii ka soo yeedhay ku xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Mr Jan Eliasson 9-kii May wuxuu ku macnaysnaa in Somaliland ay si dad-ban uga soo qaybgashay shirkii Somalia iyada oo qayb ka ah Wufuudii Somalia, hadalkiisaasana waxa uu ahaa mid xaqiiqada ka fog oo aan suura-gal ahayn oo lagu mac-nayn karo mid lagu waxyeelanayo Dimuqraadiyada adag ee ka dhexjirta dawladda Somaliland iyo Muwaadiniinteeda, kuwaas oo si aan kala hadh-lahayn ugu codeeyey Aftidii Distuurka in Qaranka Somaliland uu noqdo dal Madaxbanaan. 

Xaqiiqaduna waxa ay tahay in Somaliland ay u jirtay 22-kii Sanadood ee u danbeeyey Qaran gaar ah, tan iyo intii ay bar-burtey Midnimadii Somalia ee dhiiga badani ku daatey isla markaana waxa aanu aad u soo dhawaynaynaa dhamaanba cidii gacan ka gaysanaysa ee taageeraysa inay Nabad iyo Xasilooni hesho Somaliland. Waxa aanu kala xidhiidhi karnaa oo kaliya arimahan oo kale oo aanu kala doodi karnaa Mawduucyada noocaas ah, hadii ay noo muujiyeen Meeqaamka aanu ku haboonahay sidii shirkii London ee 2012-kii. 

Dab-can waxa aanu Somalia la yeelanaynaa wada-hadal iyo wada-xaajood u dhexeeya Somaliland iyo Somalia sida kii aanu dhawaan looga furmay Ankara 13-kii April ee sanadkan, kaas oo ahaa shir mihiim ah oo labadayada dalwadood aanu ku gaadhnay heshiis wada-shaqayneed, iyada oo uu hoosta ka xariiqayey War-murtiyeedkii ku taariikhaysnaa maalintaasi. 

Wada-xaajoodyadaasina waxay hore u wadayeen oo aanu ka filaynaa in labada Wadan ay isku waafaqi karaan sidii wada-jir loo wajihi lahaa arimo warwar ku hayo oo ay ka mid yihiin Argagixisada, xagjirka, budhcad-badeeda, kaluumaysiga shirci-darada ah iyo sunta.

Xigasho: Haatuf

No comments: