.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 27, 2013

*Ogaysiis: *Is-nabadgalyayn & Mahadnaq


- Qiyaastii, mudo haatan laga joogo sedex sano iyo 2-bilood ayay ahayd markii aan hawada soo galiyay, blogan{waayeelnews} oo danta aan ka lahaa marka hore ay ahayd, in aan bal anigu isku-layliyo oo aan waxoogaa aqoon & kas ah ka biirsado Kumbiyuutarka iyo Internetku sida ay u shaqeeyaan. Hadaba, Wax-yar ka dib, markii aan Kanaaf-baxay, Waxa aan hakan (Waayeelnews) ku soo ururiyay oo aad ka daalacan kartaa, Xoggo Dhaxal-gal ah oo ay ku jiraan qoraal-lo badan oo ay qoreen Hal-doorka J.Somaliland sida, President, *M.I.Cigaal, President, *A.M.M.Siilaanyo, Prof. *Ibraahim Maygaag, *Xasan Ciise Jaamac iyo Aqoonyahanno kale oo Ajaanib iyo Somalilanders-ba leh oo aad u faro-badan. Intaas waxa kuu dheer, Cilmi-baadhiso ku saaban J.Somaliland, Waraysiyo maqal iyo muuqaalba leh oo aad wax badan ka baran doonto ee ha u daymo la'aan dhex-mushaaxa *Waayeelnews.............

Gabo-gabo: Boggani (bloggan) intii uu jiray waxanu xidhiidho joogto ah oo jaadad badan leh yeelanay, akhyaar aad u badan oo Qorayaal iyo Akhristayaal-ba leh! Dhamaantood waan u mahadnaqayaa waxanan leeyahay, Halkan ayaa uu ku joogsaday Hornagii iyo faagii aan sedex sano ka hor soo jeexnay! Nabad-galyo.

"Ha jirto J.Somaliland Oo Ha joogto Waligeed".

Cali Cumar Xasan

No comments: