War-saxaafadeed :
- Sida
aynu la wada socono waxa saddexdii maalmood ee u danbeeyey xeebaha
Somaliland ka da’ayey roobab dabaylo wata oo isu bedelay duufaanno gaar
ahaan gobolada Sanaag, Saaxil, Selel, Awdal iyo deegaamo ka mida
waqooyiga Gabiley kuwaas oo ay gaadhsiiyeen khasaare laxaadleh oo isugu
jira dhimashada iyo dhaawaca dadkii ku sugnaa deegaamadaasi, xoolihii oo
ku leeday, dhismayaal tiro badan oo dumay, gaadiid isugu jira kuwa
badda & berigaba iyo barakac balaadhan oo ka dhashay duufaantaas.
Khasaarahaas
oo sababay dhimashada, 25 qof, iyo 27 ruux oo la la’a yahay meel ay
jaan iyo cidhib dhigeen, halka 12 ruux ay dhaawac yihiin, halka ay
saameeysay (669,000) lix boqol sagaal iyo lix-dan kun oo qof una
dhiganta 167,250 qoys oo ku sugnaa goobahaa duufaantu martay, waxa
iyaguna baxay 80% xoolihii ku sugnaa deegaamadaas, iyadoo ay go’an
yihiin isgaadhsiintii, iyo waddooyinkii gaadiidku isaga gudbi jireen ee
goobaha masiibadu ku dhufatay, waxa iyaguna inta badan dumay goobihii
caafimaadka ee MCH-yada iyo dugsiyadii waxbarashada ee ka qayb qaadan
lahaa samata-bixinta dadka ay soo gaadhay duufaantu.
Iyadoo
Xukuumadda Somaliland ay tan iyo intii masiibadu dhacday ku jirtay
gurmadka iyo gargaarka loo fidinayey dadka masiibadu soo gaadhay, lagana
daad gureeyey dadkii ku go’doonsanaa goobahaasi, isla markaana la
hawl-geliyey cidkasta oo ay arrintani khusayso sida wasaaradda arrimaha
gudaha, hay’adda u diyaar garowga aafooyinka & kaydka raashinka
qaranka, hay’adda qaxoontiga & barakacayaasha iyo hay’addaha kale ee
ay khusayso oo dhammaantood ku hawlan sidii gargaarkaasi loo sii wadi
lahaa.
Sidoo
kale waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 21.05.2018, kormeer dhinaca
hawada ah ku maraya goobahaasi masiibadu ka dhacday wefti balaadhan oo
uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayaan
masuuliyiin sar sare oo ka mida dawlada aynu jaarka nahay ee Jabuuti,
iyagoo u kuurgelaya khasaaraha ka dhacay goobahaasi, madaama oo labada
dal ay wadagaan xadka dhinaca xeebaha iyo berigaba, ayna wada haleeshay
masiibadan duufaantu.
Dhinaca
kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa
dhamaan ehelada, qaraabada, qoyska iyo shacbiga Somaliland ee ay ka
baxeen dadkii ku geeriyooday masiibadaasi, inta dhaawaca ahna waxa uu
Alle uga baryayaa inuu caafimaad taama siiyo, sidoo kalena inta
dhibaataysan uu ka dulqaado dhibta.
Ugu
danbayn madaxweynuhu waxa uu dhammaan shacbiga Somaliland meel ay
joogaanba ku baraarujinayaa inay gargaar iyo gurmad deg-dega ka geystaan
masiibadaasi, gaar ahaan ganacsatada dalka. sidoo kale madaxweynuhu
wuxuu beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ahba ugu baaqayaa inay
gacan ka geystaan gurmadka masiibadaasi sababtay.
Alleh Ayaa Mahad leh.
Maxamuud Warsame Jaamac
(Af-hayeenka Madaxweynaha JSL).
No comments:
Post a Comment