.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, July 16, 2018

Madaxtooyada J.Somaliland; "WAR-SAXAAFADEED

               War-saxaafadeed:
Dabbaal-degga munaasibaddii 26-kii June 2018, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shir-guddoonka guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in, Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeeda 70Km gudaha loogu jiro welibana lagula dagaallamayo xadkeeda gudahiisa.

Ergadii Garoowe;
Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimi halkan.
 
Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Jamhuuriyadda Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.

Shirka Soomaaliya ee Brussels;
Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.

Xeerka Doorashada:
Dhawaan waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay golaha wakiillada xeerka doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyey komishanka doorashooyinka qaranka iyadoo ay kala qayb-qaateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan qoondada haweenka iyo beelaha gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiilada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.

Ugu danbayn, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Marnaba ma soo jeedin in sidii hore lagu galo doorashooyinka golaha wakiillada, mana shaacin saami-qaybsiga kuraasida gobollada, xukuumaddana waxa ka go’an xaqiijinta geeddiga dimuquraaddiyadda ee doorashooyinka, waxaana xil ka saaran yahay qabsoomidda doorashada oo xilligeedii ku dhacda.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

No comments: