.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, December 11, 2018

Sheeko Kale Keen: "Dunyal Axlaam"- Prof. C/Salaan Yaasiin

- Macamlin ayaa caado waxa u ahayd in marka uu wax dhigayo uu lululoodo oo uu fasalka dhexdiisa seexdo! Hadaba, qaar ardaydiisii ka mid ah ayaa ku heshiiyay in ay macalinkooda weydiiyaan sababta uu fasalka dhexdiisa ugu seexanayo?

 “Macalin,” ayay ku yidhaadeen ardaydii, “maxaad ugu seexataa fasalka dhexdiisa?” 

“Waxan u seexdaa,” ayuu macalinkii ugu jawaabay ardaydiisii, “ waxan doonayaa in aan yara gaadho "Dunyal Axlaam.”

“Waa halkee Dunyal Axlaam?” Ayay weydiiyeen ardaydadii.

“Dunyal Axlaam waa dunida riyooyinka wanaagsan,” ayuu u celiyay macalinkii.

“Maxaad halkaa ku aragtaa?” Ayay su’aaleen ardaydii.

“Waxan ku arkaa dad wanaagsan iyo dal wanaagsan. Waxan arkona waan ku farxaa oo waxay i ilowsiiyaan boodhka iyo busaaradda inagu xeeran” Ayuu macalinki ugu jawaabay.

Maalin dambe ayaa ardaydii macalinkooda su’aalaha weydiin jirtay qaar ka mid ahi ay  luloodeen oo ay fasalka dhexdiisa ku gameen!

Macalinkii ayaa dabadeeto cadhooday oo ardaydiisii canaantay oo yidhi, “Maxaad fasalka gudihiisa ugu seexanaysaan?” “Waxanu u seexanay in aanu tagno Dunyal Axlaam oo soo aragno dadkii iyo dalkii wanaagsanaa ee aad noo sheegi jirtay;” ayay ardaydii ku tidhi! 

“Oo ma soo aragteen dadkii iyo dalkii wanaagsanaa?” Ayuu weydiiyay macalinkii. “Haa, laakiin bay yidhaadeen ardaydii, maanu arag macalinkayagii (isaga ayay u-jeedeen)!!!”

Prof. C/Salaan Yaasiin

No comments: