"Aqoonyahanka iyo ururada bulshada Somaliland waxa ku waajib ah inay
ka digtoonaadaan hagardaamooyinka ay wado Heritage."SSE
- Dallada kulmisa Ururada Somaliland ee Yurub (SSE) waxy si dhow isha
ugu haysaa dhaqdhaqaaqyada ay gudaha iyo dibedda ka wadaan kuwa ka soo
horjeeda Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay dalladdu aad ula
socotaa cadowga ku soo gabbanaya magacyada ururrada bulshada iyo
Mac-hadyada cilmi-baadhista sheegta inay madax bannaan yihiin ama
dhexdhexaad yihiin. Iyadoo mawqifkeedaasi ilaalinta qarannimada ku
hawlan, waxay Dalladu daba-gal ku samaysay hagar daamooyinka Mac-hadka
Heritage Institute uu ku hayo JSL (Jamhuuriyada Somaliland).
Ma aha
markii ugu horreysay ee Maxadkani u dhexgalay arrimaha wadahadalada
Somaliland iyo Soomaaliya oo 2013kii markii la aasaasay oo uu ka
faalooday wadahadalaas, wuxuu noo muujiyay in uu lid ku yahay qaranamida
iyo jiritaanka Somaliland, waxaanan faaladooda ka soo saarnay 16kii May
2013kii Bayaan faahfaahsan. Sidoo kale masuulka Machadka Heritage wuxuu
Somaliland keeney mashruuc la yidhaahdo Fursad fund mashruucaas oo
dhalinyarada reer Somaliland Muqdisho loogu dirayo ,dalada SSE waxay ka
dacweysey dawlada Somaliland mashruucaana waa la xidhey waana laga
mabnuucey Somaliland.
Waxaa nasiib daro ah in Shirkan bishan Diisambar 14-18keedii 2018
Machadku ku qabtay Jabuuti, oo la yidhi waxa uu ku saabsanyahay
isbedalada ka socda Geeska Africa, ayna si mug leh xukuumada Soomaliya
iyo xubno Baarlamaankeeda ka qaybqaateen, ayaa si aan la filleyn uga
xaadireen shirkaas muwaadiniin Jamuuriyadda Somaliland ahi oo loo
hanweynaa. Waxaa sidoo kale halkaa ka muuqday aqoonyahano u ololeeya
mab-da’a Soomaali Weyn, iyo dad geed dheer iyo mid gaaban muddo dheerba u
fuulay carqaladeynta madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland oo leh Madax iyo Baarlamaan la soo doortay
ma ay ka qaybqaadan shirkan ama kulankan lagu qabtey Jabuuti. Arrimaha
la xidhiidha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Xukuumada ayey
ummada Somaliland u igmatay. Arrimaha masiiriga ahi wuxuu u yaallaa oo
keli ah cidda dastuurka iyo xeerarka dalku u banneeyay. Wixii intaa
dhaafsiisan waxay abuureysaa fawdo iyo kala dambeyn la’aan.
Aqoonyahanka iyo ururada bulshada Somaliland waxa ku waajib ah inay
ka digtoonaadaan hagardaamooyinka ay wadaan hay’adaha Soomaliya ka soo
jeedaa oo ay ka mid yihiin Heritage Institute. Dalladu waxay ugu
baaqaysaa hay’adaha kala duwan ee dawlada, ururada guud ee bulshada,
kuwa aqoonyahanka, kuwa dhalinyarada, kuwa dumarka iyo guud ahaan
shicibka reer Somaliland inay ka digtoonaadaan qorshayaasha lagu wiiqayo
qaranka Somaliland isla markaana ay ixtiraamaan doonista dadka reer
Somaliland oo ah sidii loo gaadhi lahaa himilada Qaran Somaliland oo
dunida laga aqoonsanyahay.
Allah ayaa mahad leh,
Guddiga fulinta ee Dallada SSE
Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:
00 45 25 53 93 15
Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:
00 45 25 53 93 15
No comments:
Post a Comment