- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta J. Somaliland ayaa bilowday hawlgallo ay
ku diiwaangelinayso Madarasadaha Quraanka ee dalka, isla markaana loogu samaynayo Manhaj isku mid ah. Arrintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in la helo macallimiin
tababaran oo tayaysan, ardaydana laga ilaalinayo in lagu dhex-faafiyo afkaar aan
habboonayn.
Shirkan maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Diinta & Awqaafta oo ay ka soo qaybgaleen
masuuliyiin ka socata Madarasadaha, D/Hoose ee Hargeysa, C/Booliiska iyo Culimo ayaa arrintaasi
laga shaaciyay. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arintaa ka waraystay Wasiirka Was/Diinta iyo Awqaafta Sheekh
Khaliil Cabdillaahi Axmed.
Halkan Hoose Ka Dhagayso;
No comments:
Post a Comment