- Mandaqadda Geeska Afrika ayaa inta badan waxa ka dhaca falal la
xidhiidha amni-darro iyo waxyaabo nabadda waxyeeleeya, isla markaana waxa
jira dedaallo cilmiyan arrimahaasi xal loogu raadinayo oo ay ka mid
tahay in aqoonta nabadda kor loo qaado oo la kobciyo. Markii u horaysay waxa Jaamacadda Hargeisa University ee ku taal J.Somaliland, laga bilaabay
waxbarashada sare ee darajada sedexaad (Ph.D) oo lagu baranayo cilmiga nabadda iyo
horumarka, kuwaas oo ay bixin doonto jaamacadda Qaramada Midoobay ay leedahay ee
la yidhaa University for Peace.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaasi ka waraystay
Agaasimaha Mac-hadka cilmibaadhista nabadda iyo xallinta
is-maandhaafyada ee jaamacadda Hargeysa Naasir Maxamed Cali.
Halkan Hoose Riix Oo Ka Dhagayso.
No comments:
Post a Comment