.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, February 9, 2019

"War-Saxaafadeed": Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ergayga Turkiga U Qaabilsan Wadahadallada Somaliland iyo Somalia. [Akhri/maqal].

- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.
 
Sidoo kale,  Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto dalalka Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed, ay Dawladda Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.

Ugu dambayntii waxaa ay madaxweynaha iyo ergaygu  isla gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal  ee Turkiga iyo Somaliland  iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa.

Halkan hoose ka dhagayso warkan oo maqal ah! 
https://www.voasomali.com/a/4779785.html#player-set-time=84.128412

No comments: