.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 9, 2019

SHEEKO KALE KEEN: Garyaqaan – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

- Iyada oo kiis la qaadayo ayaa nin garyaqaan ahi  u yeedhay markhaarigii u horeeyay oo ahayd islaan da’ weyn. Inta uu ku dhowaaday ayuu ku yidhi, “Ma i garanaysaa?”

Waxay ugu jawaabtay, “Haa. Waan ku garanayaa. Weliba adiga oo inan yar ah ayaan garanayaa. Run ahaantiina, khasaare ayaa lagaa joogaa. Waad been badantahay. Waad xan badantahay. Dirdiraalaad tahay. Nin reerkiisi gabay baad tahay. Waxad ismoodaysaa nin cirka maray oo xidigahaas ifaya ah, waxadse tahay mid aan garaad iyo garsho toona lahayn oo war iyo waraaqo la eedo maxkamadaha la meermeera.”

Garyaqaankii oo fajiciso ka qaaday weerarkii islaanta ayaa into cabaar aamusay hadana ku yidhi islaantii, “Garyaqaanka qolada kale u qareenka ah ma garanaysaa?”

“Haa.” Ayay tidhi islaanti. “Haa, oo waan garanayaa. Isaga oo yar baan isna garanayaa. Isaga laftiisa waa lagu hoobtay.  Waa beenaale. Waa caajis. Waa wax ma tare. Waa biidhi qaata. Wuxu ismoodayaa inuu garyaqaan milge iyo maqaam le yahay, hasa yeeshee, waa meel madhan oo mugdiya.”
Markay hadalkii dhamaysay ayaa maxkamaddii aamus hadheeyay. Ka dibna qaadigii ayaa labadii garyaqaan u yeedhay. Markay u yimaadeen ayuu cod gaaban oo aan cid kale maqlayn ku yidhi, “ Haddii aad weydiisaan islaanta inay i garanayso, labadiinaba waan xidhayaa oo waxan ku xukumayaa xadgudub xurmo maxkamadeed!”

QALINKII | Prof. Cabdisalaam Yaasiin
prof.abdisalaam@gmail.com

No comments: