.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 30, 2019

War Deg-Deg Ah: M/weynaha Somaliland Oo isku-Shaandhayn Kooban Sameeyey!

HARGEISA; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumaddiisa. Wareegtadaas madaxweynuhu waxa ay u dhignaysa idan:-

         " Wareegto Madaxweyne :
  • Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiro kala ah;
Ku: Cabdiraxmaan C/llaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo)
            Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
       
Ku:      Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;
            Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku:      Maxamed Muuse Abees
            Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
  3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
 
  • Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud ee kala ah;

Ku:      Jamaal Cabdilaahi Muxumed
            Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga
       
Ku:      Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye
            Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo     Arrimaha Dastuurka

Ku:      Cabdikariim Xuseen Siciid
            Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo          Ciyaaraha

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

  • Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada J. Somaliland ee kala ah;

Ku:      Xasan Hirad Yaasiin
            Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
       
Ku:      Ayaanle Salaad Diiriye
            Wakiil  Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

                                  Wareegto Madaxweyne                                 

Magacaabid;

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey; 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

2.Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

3.Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

4.LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

5.Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

6.Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

7.Maxamed Yuusuf Ismaaciil  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha

8.Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

9.Maxamed Cabdillaahi  Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

10.Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

11.Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda

12.Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

13.Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya

14.Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

No comments: