.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, May 22, 2019

Korneyl Tuke oo Lagu Xukumay inuu Bixiyo $500,000

Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii miltariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre oo maalmahan ay maxkamadi uga socotay Gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka ayaa Xeer-beegti qaadeysay dacwaddiisa ay ku heleen mid ka mid ah laba eedeymood oo loo heystay.

Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano Tuke ayaa lagu helay eed aheyd inuu masuul ka ahaa jir dil 31 sanadood ka hor loo geystay Farxaan Maxamuud Taani Warfaa, waxeyna maxkamaddu ku xukuntay inuu bixiyo lacag gaareysa 500,000 kun oo dollar oo magdhawo ah. Wariyaha VOAda Maxamed Colaad Xassan oo dacwaddan la socday ayaa warbixintan inooga diyaariyay.
Halkan ka dhagayso warka oo dhan.

No comments: