- Madaxweynaha J.Somaliland oo qudbad ka jeediyay xuskii 18ka May ee ay Somaliland la soo noqotay madax-banaanideeda ayaa qodobbadii uu isdul taagay waxaa ka mid ahaa
madaxbannaanida Somaliland iyo ka go'itaanka Soomaaliya inteeda kale.#
"Waxaa
muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la
kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliya iyo Somaliland
iyaga oo xor ah oo laba dal oo Ingiriis iyo Talyaanigu kala guumaysan
jireen ayay midoobeen lixdankii, soddon sano, oo toban sano dagaal ahaa
labaatan sanona ciil, isqabqabsi iyo cadho ahayd ayay midaysnaayeen,
kaddibna dawladdii dhexe way duntay", ayuu yidhi madaxweyne Biixi
Halka ka akhriso warka oo dhan; https://www.bbc.com/somali/war-48321242
No comments:
Post a Comment