" Waa in taliska
Soomaliya uu garwaaqsadaa rabitaanka Shacbiga Soomaliland sida uu u
aqoonsaday doonista iyo masiirka Soomalida Itoobiya iyo kuwa Kenya." Axmed
- Waa xuskii 59 naad ee maalintii xorriyadda, maalintii gumeysigu ka
huleelay dalkeena ka dib qarni uu talo xumo iyo wax qabad la’aan inagu
maamulay, inagu kala qaybiyey oo uu nidaam qabiilaysan oon ka bax lahayn
inoo dhigay. Waa ayaan xus iyo qiimeyn mudan, ayaan weyn oo taariikh
dahab ah leh, ayaan faan faan iyo farxadi umadeyna mideysay yar iyo weyn
rag iyo dumar.
Waxa inaga dhigay Soomaliland een Soomalida kala kaga duwannay waa
maalintan inteena ku abtirsata Somaliland isukeyn keyntay, inoo yeeshay
dhul xadidan, dawladnimo iyo dhaqan dhaqaale inoo gaar ah. Iyadaa inaga
dhigtay ummad taariikh gooni ah iyo dabecado u gaar ah leh. Iyadaa inaga
dhigaty inaynu ku dhaadano magaca Soomaliland. Iyadaa u sal ah oo
dhashay halgamadii ina soo maray ee uu ugu dambeeyey kii SNM ee aynu dib
u dhisnay jamhuuriyaddii labaad kolkaynu dib ula soo noqonay
qaranimadii aynu ku luminay haybaddii 26ka Juun.
26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii
aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa
maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo
hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee
Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada
taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in
badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo
caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.
Waxay ahayd maalin intii dhalatay wiil iyo gabadhba loo bixiyey
sitiin, dhalinyaro badanina ay ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd maalin
wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd
maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen.
Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka
taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin
kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.
Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada
ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed dhashay.
Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan
karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii
iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii
weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u
ahaayeen xisbiyadii NUF, USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad
wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo
weliba qayb xuma ah ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda
xaqsoor wacan iyo maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca.
Waxay
noqdeen laba shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku
heleen u sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka
dhalatay taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo
nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.
Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo
isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u horreysaa
qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna noqoto maalinta
israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku soo biirto. Waxa loo
daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli xoroobin. Waxa soo
raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay 27kii Juun. Labada
kalena loo jaangooyey Soomali Galbeed iyo NFD. Taas ayey ku dhisnayd
hammigii iyo himmiladii is-raaco.
Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay
is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah oo
midaysan, nabad ah oo dimuquraadi ah.
Waxa Soomali u dan ah in qolo walba halkeeda ay nabad iyo horumar ku
gaadho. Waxaynu ognahay in Somalida Kenya iyo Itoobiyaba ay maanta
gaadheen horumar iyo nabad. Taasi ayaa inoo xaqiijisay in nabadda iyo
wadjirka inta isku dalka ihi fure u tahay horumarka. Waa inaynu ka
horeysiina danta shacbiga nabadda u buka hadafka gaaban ee siyaasiga
jaceylka madaxnimo dhaafsiisanaaya nolasha dadkiisa. Waa in taliska
Soomaliya uu garwaaqsadaa rabitaanka Shacbiga Soomaliland sida uu u
aqoonsaday doonista iyo masiirka Soomalida Itoobiya iyo kuwa Kenya,
horeyna aynu u oggolaanay walaalaheen Jabuuti oo markaynu u baahannay
inoo noqday garab aynu ku tiirsano iyo dhul aynu ku badbaadno.
Aan ku laabto astaamaha maalintan.26ka Juun waa maalin rajo wanaag
iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay
leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu
qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha
lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin
inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku xidhin gumeysi erigii iyo
khasaarihii lagala kulmay israaca.
Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin,
odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray iyo
giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo dhammaan
halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka bilaabmaayo kii
Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku dhimmatay,ku-dhawacantay,
kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa
taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto
waxay noqon berito.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi
ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waa lama iloobaan
geesinimadii Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir, halgankii seddexda xisbi
ee SNL, NUF iyo USP.Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada
Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe, Guduudo, Cali
Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale siyaasiinta iyo odayada
ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi, Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali
, Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan, Michael Mariono iyo dhammaan intii
halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.
Waa dharaartaan waxyeeladii dhaqdhaqnay, noqonay qaran xor ah oo ku
biiray dunida xorta ah. Waa ayaanta aynu xididka u taagnay qarannimada
Soomaliland. Waana iyada tan aynu u garnaqsanaa ee sharciyeynaysa
qarannimadeena. 26 June 1960, rabitaanka shacbiga ayaa caydhiyey
isticmaarkii Ingiris, isla rabitaanka dadweynaha ayaa sidoo kale soo
celiyey kolkay fool habowday dhidib adagna u taagay qarannimada
Soomaliland.
GUJI HOOS OO DHEGEYSO0 ABWAAN TIMOCADDE AHUN IYO GABAYGII CAANKA AH EE 26KA JUUN.
26ka Juun, aan xusno oon siino qiimaha ay leedahay.
Axmed Xasan Carwo
No comments:
Post a Comment