.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, June 9, 2019

Somaliland Oo Bilowday Inay Biyaha Roobka Keydiso- "VOA-Somali

- VOA-Somali: Xilligan waxa gobolada ay ka kooban tahay J.Somaliland ka curtay roobkii Gu'ga. Biyaha roobka oo had iyo jeer baahi wayn loo qabo ayaa hadana waxa cawo-dara ah in dooxyadu ay si toos ah oo aan hadak lahayn u-qaadaan biyaha oo ugu shubaan badda. Abaaro baahsan ayaa si joogto ah ugu dhufta degaamada Somaliland oo baabi'iiya duunyada ay dadku dhaqdaan iyo dalaga ay beertaan-ba!

Sidaas darteed, hadaba, J. Somaliland ayaa sheegtay inay markii u horeysay ku dhaqaaqeen ka faa'iideysiga biyha roobka! Wasaarada u qaabilsan arimahaasi J.Somaliland ayaa shaqooyin la xidhiidha arintaas ka bilowday meelo ka mid ah Somaliland. Wariyaha VOA-Somali, Khadar Maxamed Cakule ayaa warkan soo diray.
Halkan guji oo dhagayso. 

No comments: