- Bisad ayaa waxay doontay inay yeelato saaxiib xoog weyn. Waxay bisadii istustay, Libaaxa ayaa u xoog weyn ugaadha. Markaa, libaaxa ayaan la
saaxiibayaa ayay tidhi. Ka dibna libaaxii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.
Bisaddii iyo saaxiibkeedii libaax oo maalin wada socda ayaa waxay ku
soo baxeen maroodi. ka dibna maroodigii ayaa libaaxii weerary oo dilay. Bisaddi
aad bay uga murugootay saaxiibkeedii ka dhintay. Mayse ilaabin
himiladeedii ahayd in ay yeelato saaxiib xoog weyn. Waxay nafteedii ku tidhi, Maroodiga ayaa ka xoog weyn libaaxa. Sidaa darteed maroodiga ayaan hadana la saaxiibayaa.?